4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Ciidanka Amniga Dowladda oo Howlgallo ka Sameeyay Waddooyin Muhiim ah


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Ciidamada nabad-sugidda Somalia ayaa howlgallo ka sameeyeen qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha-biyaha oo ku yaalla duleedka Muqdisho, iyagoo baarayay gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Gaadiidka iyo dadka saran ayay ciidamadan baarayeen, iyadoo howlgalkaan uu ahaa mid ka duwan kuwii horay ay ciidamada amnigu uga sameyn jireen waddooyinka Muqdisho iyo kuwa kale ee magaalada kaba iyo kuwa soo gala.

Sidoo kale, ciidamadu waxay baaritaanno xooggan ku sameynayaa gaadiidka soo galaya Muqdisho ee ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose, waxayna ku baarayeen ciidamadu gaadiidka soo galaya Xamar isgoyska ex-koontarool Afgooye.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay heleen xogo ku aaddan in la qorsheynyo in laga fuliyo Muqdisho weerarro abaabulan, sidaa daaraadeedna ay howlgalku ahaa mid ay uga hortagayaan falalkaas amni-darro.

“Howlgallo baaxad leh oo aanu ku bar-tilmaameedsanaynay gaadiidka kasoo galaya caasimadda ee ka imanaya dhinaca Ceelasha biyaha ayay ciidamada amnigu maanta ka sameeyeen Muqdisho iyo duleedkeeda, waxayna ciidanku baaris ka sameeyeen laga billaabo isgoysyada Dabka illaa Ceelasha Biyaha,” ayuu afhayeenku u sheegay warbaahinta.

Maxamed Yuusuf ayaa intaas ku daray in gaadiidka soo galaya Muqdisho la baarayo, lana diiwaan-gelinayo darawalka wada iyo taargadiisa, si aanu ugu hortagno buu yiri gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay in caasimadda ay soo galaan.

Ugu dambeyn, howlgalkan ayaa imaanaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay xaalada Muqdisho ahayd mid degan, inkastoo mararka qaar qaraxyo iyo dilal ay laga geysto degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya