4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Madaxda Somalia oo ka Tacsiyeeyay Geeridii Marxuum Xuseen Axmed Kadare


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Madaxda Soomaaliya ayaa maanta ka tacsiyeeyay geeridii marxuum Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kadare) oo saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib xanuun muddooyinkan hayay.

Kadare ayaa wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee wax ka qoray Afka Soomaaliga, isagoo sidoo kalena ahaa hal-abuure iyo aqoonyahan qayb ku lahaa koboca Afka Soomaaliga oo markii ugu horreysay la qoray sannadkii 1972-kii.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud ayaa gweerida marxuumka uga tacsiyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan ehelladisii gaarka ahayd. Isagoo xusay inuu ahaa halgamaa taariikhda Soomaaliya baal-dahab ah ka galay.

“Innaa Lillahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Aad ban uga naxay geerida ku timid marxuum Xuseen Sh. Axmed Kadare. Waan hubaa inuu kayd dhaxal gal ah uga tagay ummadda Soomaaliyeed. Kaalintii uu ka qaatay halganka dalka lagu xoreeyay, suugaanta iyo gacantii uu ka geystay dadaalkii la doonayay in lagu qoro farta Soomaaliga. Tallaabooyinkaasna waa kuwo aan mar walba xusi doonno; wuxuuna ka mid ahaa dadka diiwaanka ka galaya dadkii u huray naftooda inay dalka horumar gaarsiiyaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isna ka hadlay geerida marxuumka ayaa sheegay in Dr. Xuseen Sh. Axmed Kadare uu ahaa shaqsi door muuqda kasoo qaatay qorista farta Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda Soomaaliya, waxaan ALLE uga baryayaa marxuumka inuu jannadiisa ka waraabiyo, Samir iyo Iimaanna naga wada siiyo. Marxuumku wax badan oo lagu xusuusan doono ayuu uga tagay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sharma’arke.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu Dr. Kadare ahaa ruux waxyaabo badan oo dhaxal-gal ah uga tagay qoristii afka Soomaaliya oo ka mid ah maanta afafka shaqo ee caalamka ka jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya