4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Duqa Muqdisho oo Xarigga ka jaray Dhisme Jid isku Xira Isgoysyo muhiim ah


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Guddomiyaha gobalka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc laami lagu saarayo waddada isku xirta isgoysyada Sayidka iyo Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho.

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha, si loo soo celiyo bilicdii ay waddadaas horay u lahayd, waxaana barbar socda mashruucan burburinta dhismayaasha laga dhisay waddada hareeraheeda.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada degmada H/wadaag, Axmed Nuur Cali Siyaad oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga mashruucan lagu dhisi doono waddadan ayaa sheegay in dib u habeynta laamiyada ay qayb lixaad leh ka qaadan karto inay dib u soo laabato bilicdii magaaladu lahayd.

Duqa Muqdisho, oo furay mashruuca dhismaha laamingan ayaa isna sheegay in tani ay qayb ka tahay horumarka dalka iyo soo celinta bilicdii Muqdisho, isagoo ugu baaqay bulshada inay ka qayb-qaataan dib u dhiska Somalia.

“Ma aha laami la dayactirayo… ma ahan in shamiito lagu shubayo meel god ah, sida aan ka baranay walaalaha Turkiga ayaan u dhisaynaa laamigan oo aan jecel nahay inuu noqdo mid qurxoonaada,”  ayuu yiri Muun-gaab.

Guddoomiyaha gobolka ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb-qaataan mashruuca dalkaaga dhiso, si loo soo celiyo adeegyada dadka anfacaya ama faa’iidada u leh.

Ugu dambeyn, mashruucan lagu horumarinayo dalka ee dhiso dalkaaga ayaa ah mid uu horay ugu dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya