4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Hay'ada Waxbarashada Ansaaru-suna oo dhiiri-galin u sameysay Ardaydeeda


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Hay'adda Waxbarashada Ansaaru Sunna oo ay ku midoobeen Iskuulo ku yaallo degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi, ayaa xaflad dhiiri-galin ah u sameysay Ardaydeeda oo kaalinta koowaad ka galay degmadaas; imtixaanaadkii Dugsiga hoose dhexe ee Kenya Certificate of Primary Education (KCPE), oo dhawaan ka dhacay wadanka Kenya.

Sheekh Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan (Sheikh Cabdirisaaq Jiir) oo ah Guddoomiyaha Ansaaru Sunna, ayaa Hiiraan Online u sheegay in Hay'addoodu ay aad ugu faraxsan tahay natiijooyinka ay heleen ardayda wax ka barato Iskuulada Ansaaru Sunna oo qeybaha hore  ka galay Imtixaankii Dugsiyada hoose dhexe Kenya ee sanadkii hore.

Sheekh Jiir ayaa intaas ku daray in Iskuuladooda ay Numberka kowaad ka galeen degmada Kamukunji, kaalinta saddexaadna ay ka galeen Magaalada Nairobi. Halka kaalinta 11-naad ama 12-aad uu sheegay iney ka galeen wadanka Kenya oo dhan.

Dhanka kale Cabdiwali Bogsiiye oo ah Maamulaha Ansaaru Sunna, ayaa sheegay, in 140 (Boqol iyo afartan) arday oo ka kala socday afarta Dugsi ee Ansaaru Sunna ay ka kooban tahay ay sanadkii hore ka qeyb galeen imtixaanka KCPE, wuxuuna sheegay dhamaantood in ay u gudbeen Dugsiga sare oo sanadkaan ay fariisteen.

Ardayga kaalinta 1-aad ka galay Ansaaru-sunna ayuu maamulka madarasooyinkaas wuxuu sheegeay inuu helay 427 dhibcood, halka ardayga kaalinta koowaad ka galay dalka Kenya oo dhan uu helay tiro ka badan 440 dhibcood.

Xaflad baararujin iyo dhiiri galin iskugu jirtay oo loo sameyay ardaydaas; isla markaasna ka dhacday degmada Kamukunji, ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Kalonzo Musyoka, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin. Ibrahim Ahmed (Johnny) oo horay ugu tartamay jagada Xildhibaanka degmadaas, Waalidiin iyo Arday tiro badan.

Xafladaas oo sidoo kale lagu soo bandhigay dhibcihii ay heleen ardayda wax ka barato Dugsiyada Ansaaru Sunna, ayaa waxaa lagu amaanay maamulka iyo Macalimiinta Iskuuladaas - dadaalka badan ee ay ku bixiyeen ardayda ay wax baraan.

Iskuuladan oo ku midoobay magaca Ansaaru Sunna Trust ayaa waxaa lagu bartaa cilmiga Maadigga iyo mida Diiniga ah- sida; Xifdinta Qur'aanka Kariimka, Tafsiirka, Xadiithta, Fiqiga, Towxiidka iyo Culuumta kale ee Islaamigga ah, wuxuuna sheegay Guddoomiyaha Hay'addaas Sheekh Abdirisak Jiir, in mudo toban mar ah ay u fariisteen ardayda Ansaaru Sunna imtixaanka Dugsiga hoose dhexe. Sideed mar oo ka mid ahna ay galeen kaalinta koowaad.

Ansaaru Sunna oo la aas-aasay sanadii 2001-dii, ayaa ahaa Iskuuulkii ugu horeyay oo laga furay xaafada Islii oo Islaami ah, waxaana hada dhigto in ka badan kun arday oo badan-koodu ay yihiin Soomaali.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya