4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Kooxo hubeysan oo Xaafadda Suuqa Xoolaha ku toogtay Haweeney shacab ah

Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Kooxo hubeeysan ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ku toogtay maanta haweeney rayid ah oo ka mid ahayd haweenka sida aadka ah looga yaqaan xaafaddaas.

Goob-jooge ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay ayaa u sheegay in dilka ay geysteen saddex wiil oo dhallinyaro ah, kuna hubeysnaa bastoolado, kuwaas oo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in haweeneyda ay la shaqeynaysay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo degmadaas ku sugan, iyadoo dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen inay u adeegi jiratay ciidamada.

Illaa hadda ma jirto cid xaqiijin karta wararka sheegaya in haweeneydan la dilay ay la shaqeyn jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo aan weli la sheegin magaceeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya