4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Sarkaal shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo Al-shabaab ahaa

Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo 35-jir ah, kaasoo magaciisa ay ku sheegeen ina Xuseen Bilow, inkastoo aysan sheegin magacooda sheegin.

Jaamac Muuse oo ka mid ah saraakiisha milateriga Somalia ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sarkaalkan uu muddo lix sano ah ka tirsanaa Al-shabaab, ayna qabteen isagoo dhuumaaleysi ku jira.

“Sarkaalkan Al-shabaab ka tirsanaa wuxuu ka mid ahaa kuwa miinooyinka u qaabilsan kooxda, waxaana qabtay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, xilli gaari uu kasoo raacay deegaanka Tuulo-barwaaqo lagu qabtay,” ayuu yiri Jaamac Muuse.

Wuxuu sarkaalku intaas ku daray in ciidamada dowladda ay isku raaceen in sarkaalkan maxkamad lagu saaro Muqdisho, ayna u gudbiyeen Muqdisho si loo maxkamadeeyo.

Al-shabaab weli kama hadlin sarkaalka ay ciidamada dowladda Somalia ee gobolka Gedo sheegeen inay gacanta ku dhigeen, iyadoo sidoo kalena uusan sarkaalkan weli la hadlin warbaahinta.

Gobolka Gedo ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa lagu qabtay qaar saraakiisha saree ee Al-shabaab ka mid ah, kuwaasoo uu ka mid yahay Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab, kaasoo Muqdisho ka sheegay inuu ka baxay Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shalay ay ka geysteen duqeymo diyaarado kuwa dagaalka ah deegaan ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Bay, iyadoo la sheegay inay beegsadeen saldhigyo ay Al-shabab ku tababaraysay dagaalyahannadeeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya