4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Bumbo oo Xilka laga Qaaday
Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka qaadey Gudoomiyihii gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali Bumbe oo xilligan booqasho ku jooga dalka Sweden.

Warar laga helay ila wareedyo ka ag dhow madaxtooyada Garoowe ayaa sheegaya in xilka Gudoomiyaha Gobolka Nugaal loosoo magacaabay Cabdulahi Ciise Aw-Axmad oo isagu xilkaas horay usoo qabtey xiligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Maxamuud Muuse Xirsi Cadde.

Xil ka qaadista Guddoomiye Bunbo ayaa imaaneysa maalmo kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya isaga iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdinaasir Xaaji Maxamad.

Khilaafka ayaa salka ku hayey in Guddoomiyuhu ku-sime u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdiraxmaan Ciise iyadoo guddoomiye ku-xigeenkii koowaad joogo.

Bunbe oo la weydiiyey sababta uu tallaabadaas u qaadey wuxuu sheegay in ku-xigeenka labaad ka firfircoon yahay kana aqoon badan yahay ku-xigeenka koowaad, taasina tahay sababta uu ku xushey.

Waa markii labaad tan iyo intii uu xilka qabtey ee Madaxweyne Gaas  mas'uul cusub usoo magacaabo hoggaanka maamulka gobolka Nugaal.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya