4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Shirkii Midowga Afrika oo lasoo Gaba-gabeeyay iyo Qodobbo laga soo Saaray


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Shir-madaxeedkii ururka Midowga Afrika ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya shalay oo Sabti ahayd, iyadoo laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo ku wajahan sidii Afrika nabad iyo barwaaqo loo gaarsiin lahaa sannadka 2063-da.  

Kulanka oo socday 30 illaa 31 bishii Jannaayo ee sannadkan ayay madaxda dalalka Afrika uga baaraan-dageen arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay la dagaalanka cudurka Ebola, kooxda Boko Haram iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha sanadkan ee Midowga Afrika, Robert Mugabe oo ah madaxweynaha dalka Zimbabwe oo xirtaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu shirku kusoo dhamaaday guul, si weynna looga hadlay horumarka dhinaca amniga iyo barwaaqo gaarsiinta Qaaradda.

“Labadii maalmood ee uu shirku socday madaxdu waxay yeesheen doodo ku wajahan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha horyaalla Afrika,” ayuu yiri Mugabe, isagoo intaa ku daray. “Qodobka ugu muhiimsan ee laga hadlay waa sidii loo gaarsiin lahaa Afrika barwaaqo iyo nabad sannadka 2063-da.”

Sidoo kale, Mugabe ayaa hoggaamiyeyaashii Afrika ee shirka ka qaygalayay ugu baaqay inay ka qaybqaataan fulinta mashaariicda horumarineed ee Afrika, kuwaas oo ay ka mid yihiin; in la sameeyo khadad tareen oo Afrika oo dhan isku xira, in la isku furo dhammaan duullimaadyada Qaaradda, horumarinta tamarta iyo in dalalka Afrika ay is-garabsadaan.

Qodobbada kale ee madaxda Afrika ay isku raaceen intii shirku socday ayaa waxaa ka mid ah in Afrika ay yeelato dhaqaale ay bulshadeedu si weyn uga faa’iideysan karto - marka la gaaro sannadka 2063-ka.

“Si aan u gaarno ujeeddooyinkaas waxaa nalooga baahan yahay inaan ka shaqeyno sidii aan uga faa’iideysan lahayn macdanteenna iyo khayraadka kale ee Qaaradda ka buuxa. Isla markaana aan dhallinyaradeenna shaqooyin u abuurno,” ayuu hadalkiisa ku daray Robert Mugabe.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Midowga Afrika ee sannadkan wuxuu xusay in loo baahan yahay in dalalka Afrika ay xoogga saaraan sidii dhaqaalahooda ay u horumarin lahaayeen, taasoo qayb ka ah sida uu sheegay ajandaha ay ku doonayaan inay 2063-ka ku gaarsiiyaan Qaaradda isku-fillaansho dhinac walba ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya