4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
RW Sharma’arke oo Baarlamaanka Weydiistay inay Ansixiyaan Xukuumadiisa


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo xalay saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa baarlamaanka uga mahadceliyay aqbaaladda codsigiisii 10 maalmood ahaa, si loo soo dhameystiro dhismaha xukuumadda.

Sharma’arke ayaa sheegay waqtiga kooban ee la siiyay uu wada-tashi kula yeelan doono xildhibaanada baarlamaanka iyo bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kalana uu u soo bandhigi baarlamaanka barnaamijkiisa xukuumadda.

“Runtii go'aankii codsiga waqti kordhintu wuxuu ahaa mid ka tarjumayay tix-gelinta taloo-yinkii xildhibaanada oo ahaa in lasoo dhameystiro xukuumadda, isla markaana muddada kooban aan ka shaqeyn doonaa ballaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed,” ayuu yiri Sharma’arke.

Isagaoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay. “Waxaa xusid mudan iney dalka ka luntay ku dhawaad afar bilood oo waxqabadkii xukuumadda dib-u-dhac ku yimid. Waxaa hoos u dhac ku yimid hawlihii adeegga Qaranka, sida gurmadkii abaaraha, dhisiddii maamullada gobollada, dib u heshiisintii, meel-marintii shuruucda, xasilintii dalka iyo guddiyada madax-bannnaan; kuwaasoo fududeyn lahaa ka mira-dhalinta Hiigsiga 2016-ka.”

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid ayaa ku tilmaamay si looga gudbo caqabadahaas in muhiim ah ay tahay inay lasoo dhameystiro xubnaha ka dhimman xukuumadda, iyadoo lasoo xuli doono xubno ku sifoobay wadaninimo, daacadnimo, karti iyo hufnaan, wuxuuna ka codsaday baarlamaankana inay kalsoonidooda siiyaan marka la hor-keeno xukuumadda iyo barnaamijkeeda.

Ugu dambeyn, RW Sharma’arke ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay sii laba-jibbaaraan taageerada ay siiyeen xukuumadda Somalia, iyadoo uu ballan-qaaday in mar-walba dareenkooda iyo shucuurtooda la tix-galinayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya