4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Diyaarado duqeyn u geystay xeryo ay Al-shabaab ku Tababarto Xoogaggeeda


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ayaa ka fulayay duqeyn gellinkii dambe ee Sabtidii shalay deegaanno ay ka taliso Al-shabaab oo ku yaalla gobolka Bay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka la duqeeyay oo ku dhow Diinsoor oo ka tirsan gobolka Bay ayaa sheegay in la duqeeyay laba saldhig oo xoogagga Al-shabaab ay tababarro ku qaadan jireen iyo guri ay ku sugnaayeen xubno sarsare oo Al-shabaab ka tirsan.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu oo soo xiganaysay goobjoogayaal ku sugan deegaanka ay duqeytu ka dhacday iyo degmada Diinsoor ayaa sheegtay in saraakiil sare oo Al-shabaab ka tirsan lagu dilay duqeyntaas, inkastoo aan magacyada mas’uuliyiintaas weli la shaacin.

Sidoo kale, guddomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siiddii) oo u waramay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa isna sheegay in goobaha la duqeeyay ay ku dhinteen 40 ka mid ah xoogagga Al-shabaab.

C/qaadir Siiddii ayaa intaas ku daray in duqeyntan ay ahayd mid xooggan, isla markaana si gaar ah loogu bar-tilmaameedsaday meel ay Al-shabaab ka joogeen xaafad lagu magacaabo Dugule.

Illaa hadda lama oga diyaaradahan cidda iska leh, balse Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore duqeymo ay ku dileen xubno uu ka mid yahay Axmed Godane oo ahaa hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose iyo Jubbada dhexe oo ay ka taliso Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, weli Al-shabaab kama aysan hadlin duqeyntan laga fuliyay goobo ay ka taliso oo ku yaalla gobolka Bay, iyadoo duqeyntan ay noqonayso tii ugu horreysay oo ka dhacda Somalia sannadkan cusub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya