4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Kooxda ISIS-Daacish oo Gowracday La-hayste u Dhashay Waddanka Jabbaan


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Muuqaal ay kooxda Daacish soo dhigeen Internet-ka ayaa muujinaya in la gowrcay Kenji Goto oo ahaa la hayste u dhashay wadanka Japan, isla markaana muddo gacanta ugu jiray kooxdan Islaamiga ah.

Waxaa warkan uu soo baxay asbuuc ka dib markii sidaan oo kale loo gowracay la hayste kale oo isla wadankaas u dhashay,kaasi oo lagu magacaabi jiray Haruma Yakawa ,waxaana Dowladda Japan ay ku fashilantay in ay bixiso madax furasho ay kooxda Daacish dalbatay.

Mr Goto oo 47 sano jir ah ayaa ahaa wariye madax banaaan oo caan ah,waxaana dalka Siiriya uu aaday bishii Octobar ee sanadkii hore si uu uga qayb-qaato sii daynta Haruma oo horey ay u haysteen kooxdan.

Ruuxa gawraca fuliyay oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa fariin laga duubay lagu arkayay  isaga uu ku hadlaya lahjadda Britain, waxaana siyaabo kala duwan arintan u canbaareeyay dowladaha Maraykanka, Ingriiska iyo waliba Frence.

Kooxda Daacish ayaa ka dalbatay dowladda Japan in la siiyo lacag dhan $200m (£130m) oo madax furasho ,waxaana jira ajaanib kale oo wali gacanta ugu jira kooxda Daacish ,kuwaasi oo iyagana qarka u saran in la gowraco.

Raysul wasaaraha Japan Shinzo Abe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in beesha caalamka inteeda kale ay kala shaqayn doonaan sidii cadaalllada loo horkeeni lahaa kooxihii dilkan fuliyay ,isaga oo u xusay in ay sii wadi doonaan caawinta dowladaha bariga dhexe

Ugu danbeyn hooyada dhashay wariyahan oo lagu magacaabo Junko Ishido ayaa sheegtay in uusan hadal u furneyn maadaama la dilay wiilkeeda, waxaana ay raysal wasaaraha Japan ka codsatay in la ciqaabo kooxihii dilay Goto.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]