4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
DAAWO: Xuseen Axmed Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho iyo Taariikhdiisii


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Allaha u raxmadeen Xuseen Sheekh Axmed Hillowle (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee af-Soomaaliga wax ka qoray ayaa maanta ku geeriyooday Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu muddooyinkii dambe xanuunsanaa iyadoo la sheegay in uu goor-dhow ku geeriyooday isbitaalka ku yaalla caasimadda Somalia, waxaana goor sii horreysay loogu qaaday caafimaad waddanka Imaaraadka Carabta, inkastoo Muqdisho dib loogu soo celiyay.

Sidoo kale, marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay jiifay isbitaalka uu maanta ku geeriyooday oo lagu magacaabo Ummadda, iyadoo aan la sheegin cudurka uu rasmi ahaan u geeriyooday marxuum Kadare.

DAAWO: Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka Warramay Taariikhdiisii Nololeed 
Marxuumka ayaa ku dhashay degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe sannadkii 1934-kii, wuxuuna waxbarashadiisii iskuuleed ka billaabay Muqdisho, isagoo sannadkii 1960-kii ku biiray Radio Muqdisho, isagoo ka noqday xiriiriye iyo barnaamijyada fanka iyo ciyaaraha oo uu soo duubi jiray, sida uu sheegay intii uu noolaa. 

"Shaqadii Radio Muqdisho waxaan ka tagay sannadkii 1969-kii, markaasoo aan tartan u galay xildhibaannimo anigoo damcay inaan kasoo tartamo degmada Cadale, balse waan iska dhaafay markii aan ishaarada u bogi waayay," ayuu marxuum Kadare ku sheegay mar uu ka warbixinayay tariikhdiisii.

Raabbi ha u naxariistee, Xuseen Sheekh Axmed Kadare ayaa wuxuu ahaa aqoonyahan soo saaray far u gaar ah oo kaalinta labaad ka gashay faraha afka Soomaaliga ma jiro, isagoo sheegay in magaca Kadare uu ugu baxay ruwaayad uu wax ka jilay.

Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya wuxuu ahaa madaxii Akadeemiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ee Muqdisho. Wuxuuna xilliyadii dambe si aad ah ugu howlanaa horumarinta afka Soomaaliga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya