4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2015
Turkiga oo Shaacisay in ciidankooda aysan kasoo bixi doonin Magaalada Bashiqa ee Dalka Ciraaq


Talaado, December 08, 2015 (HOL) — Saraakiil sare oo Turki ah ayaa maanta sheegay in Turkigu aysan ciidamadooda kasoo saari doonin dalka Ciraaq, kaddib markii xukuumadda Ciraaq ay ka dalbatay xukuumadda Ankara toddobaadkan inay ciidamadeeda si dhaqso ah ugala baxdo Waqooyiga Ciraaq.

Turkiga ayaa 300 oo askari oo wata taangiyo ayay dhawaan geystay magaalo lagu deegaan Bashiqa oo ku dhow magaalada Mosul oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Kooxda IS ay ku leedahay dalka Ciraaq.

Xukuumadda Baqdaad ayaa Axaddii kaga dalbatay dowladda Ankara inay 48-saacadood gudahood ugala baxdo ciidamadeeda gudaha dalka Ciraaq, iyadoo sheegtay in tani ay xad-gudub ku tahay madax-bannaanida waddankooda.

“Ciidamadeennu waxay sii joogi doonaan ciraaq,” ayay saraakiisha Turkiga ah u sheegeen wariyeyaal ay kula hadleen maanta magaalada Istanbuul ee Turkiga, iyagoo intaa ku daray. “Wax walba wadahadallo ayay ku xiran yihiin, balse innaga waxaa ciidamada aan u dirnay Ciraaq kala hadalnay maamulka Kurdish-ka ee halkaas maamula, ciidamadeennuna way sii joogi doonaan.”

Sidoo kale, saraakiisha ayaa xusay in ciidamada Turkiga ay wataan 20-taangi ayna haatan ku sugan yihiin deegaanka Basiqa oo 30-km waqooyi kaga beegan magaalada Mosul, hal-kaasoo kooxda ISIS laga qabsaday bishii Juun, 2014-kii.

Turkiga ayaa saldhigga uu hadda ciidamadiisan cusub u diray waxaa laba sano ka hor kaga sugnaa ciidammo, kuwaasoo ay iska kaashadeen Wasaaradda gaashaandhigga Ciraaq si ay u tababaraan xoogagga Peshmerga iyo Sunniyiinta Carabta ah si ay dib uga qabsadaan ISIS magaalada Mosul. Sida ays sheegeen saraakiisha u hadlay dowladda Turkiga.

Dhanka kale, RW Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa sheegay inuu Axaddii lasoo dhaafay u diray warqad dhiggiisa dalka Ciraaq, Haider al-Abadi, taasoo uu xusay inuu ugu sheegay inaysan jirin ciidammo cusub oo ay u soo direen Ciraaq, balse ay ciidamadan ka mid yihiin kuwii horay uga sugnaa gudaha Ciraaq.

Ugu dambeyn, wareysi uu Isniintii bixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayuu ku sheegay inay waajib ku tahay inay xoojiyaan ammaanka ayna tababarro siiyaan ciidamada la doonayo inay qabsadaan magaalada Mosul ee waddanka Ciraaq.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya