4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2015
Xabaal-wadareed Mandhera laga helay iyo dilal laga sheegayo Waqooyi-bari Kenya (SAWIRRO)


Talaado, December 08, 2015 (HOL) — Xabaalo-wadareed lagu aasay illaa 12-qof oo rayid ah, ayaa laga helay duleedka degmada Mandheera oo ka tirsan gobalka Somalidu ay dagto ee Waqooyi Bari Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Meydadku ay ahaayeen kuwo cusub, isla markaasna ku eedeyay ciidamada amaanka iney ka dambeyeen laynta dadkaas oo markii hore laga watay meelihii ay joogeen.

Meydadka oo qaarkood la gartay, ayaa waxaa ku jirtay haweeney lagu magacaabi jiray; Isniino Muuse Sheekh oo Arbacadii aynu soo dhaafnay laga watay Dukaan ay Shaah ku gadi jirtay oo ku yaallo ka soo horjeedka Masaajidka Al-Furqaan ee degmada Mandheera.

Faadumo Cabdi oo goob-joogayaasha ka mid aheyd, ayaa sheegtay in Baabuur Probox ah oo aanan Sumad laheyn lagu qaaday Arbacadii aynu soo dhaafnay Haweeneyda la dilay kaddibna uu sii raacay Baabuur Militariga Kenya ay leeyihiin.

Isniino oo da'deeda lagu sheegay 29 sano jir, ayaa aheyd Hooyo dhashay Shan carruur ah, waxeyna ka mid aheyd Meydadka 12-ka qof ee laga soo saaray godka ku yaallo duleedka Mandheera, xilli si xun loo jir-dilay, lana ja-jabiyay xubnaha jirkeeda, isla markaasna ay dhar la’aan aheyd.

Dadka kale ee la gartay waxaa ka mid ahaa Isaaq Maxamed oo ahaa Taksiile ka shaqeyn jiray Magaalada Mandheera, iyadoo walaalkiis oo diiday in magaciisa la xigto uu tilmaamay in wax dambi ah uusan laheyn walaalkiis, horayna aysan Boolisku u xirin.

Wuxuu intaas ku daray in Talaadadii aynu soo dhaafnay la waayay Isaaq, kaddibna uu la soo hadlay Hooyadiis oo uu ka codsaday iney u dhaqaaleyso carruurtiisa maadaama laga yaabo in isaga oo nool aysan mar dambe dib u arkin.

Hoggaamiyayaasha deegaanka, ayaa ku eedeyay Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF, Ciidamada Gurmadka Deg-degga, Unugyada Bilayska ee La-dagaallanka Argagixisada iyo Ciidamada Sirdoonka Kenya iney ka dambeyeen afduubka iyo dilalka sharci darada ah ee loo geysto dadka lagu tuhuumo argaggixisada ama iney xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalamo.

Sidoo kale, dadka deegaanka, ayaa sheegay in la waayay bilihii aynu soo dhaafnay illaa 59 qof oo guryahooda lagala baxay, halka Guddiga Qaranka Kenya ee Xuquuqda Aadanaha ee magaciisa loo soo gaabiyo (KNCHR) uu ku sheegay warbixin uu soo saareen oo ciwaan looga dhigay “Khaladka la dagaalkana argagaxisada ee argagaxa leh” in ay ka diiwaan galiyeen Magaalada Mandheera oo kaliya Kiisaska ilaa 25 qof oo lagala baxay guryahooda dib dambe aanan loo arkin.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Fredrick Shisia, ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay ciidamada ee ku saabsan iney ka dambeyaan dilalkaas xad-dhaafka ah. Wuxuuna sheegay inuu soo booqday dhawaan Xabaal wadareedkii laga helay duleedka Mandheera, wuxuu intaas ku daray iney jiraan Qabuurayaal kale oo laga yaabo in dad badan sidaas oo kale loogu xabaalay.

Dhanka kale Shir jaraa'id oo ay qabteen hoggaamiyaasha ismaamulka Mandheera oo uu hor kacaayay Senator Billow Kerow, ayaa waxey ku sheegeen in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay jireen dad badan oo guryahooda lagala baxay, kuwaasoo markii hore ay ciidan watay Baabuur aanan sumad laheyn u kaxeeyeen dhanka xeryaha Milatariga ee ku yaallo deeganadaas, dib dambana aanan loo arkin.

Horay, ayaa magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay ka mid yihiin Wajeer, Gaarisa, Mandheera iyo Tuullooyin hoos yimaado waxaa oga dhacay dilal sharci daro ah oo illaa iyo hada aanan la ogeyn cidii ka dambeysay.

Ugu dambeyn, bilihii November iyo December ee sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2014-kii, ayaa duleedka Magaalada Mandheera waxaa lagu dilay dad 60 qof kor u dhaafaayay oo iskugu jiray Macallimiin, Shaqaalo Caafimaad iyo Xoogsato ka shaqeyneysay gobolkaas. Kuwaasoo xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab la sheegay iney u kala saareen Diinta ay aaminsan yihiin kaddibna ay dileen kuwii aanan Muslimka aheyn.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya