4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2015
Kismaayo oo yeelatay Haween dheela kubadda kolayga [Sawirro]


Talaado, December 08, 2015 (HOL) — Magaalada Kismaayo ayaa markii ugu horeeysay mudo ka badan 25 sano kadib waxaa laga yagleelay laba kooxood oo dumar ah oo dheeli doona kubadda Kolayga.

Arintan oo ah mid ku cusub magaalada ayaa ah mid aad usoo jiidatay dhammaan haweenka jecel cayaaraha, ayadoo kooxahani la dhisay isla maanta lagu wareejiyay qalab isboorti.

Haweenka oo u badan dhalinyaro  ka kala timid shanta xaafadood ee magaalada Kismaayo oo qaarkood aan ka wareeysannay sida ay u arkaan kamid ahaanshahooda kooxaha kubadda kolayga ayay inoo sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin in maanta ay fursad u helaan in ay bartaan xirfado dhanka cayaaraha ah.

Haweenka reer Kismaayo ayaan fursad u helin cayaaraha kala duwan ee la dheelo mudadii ay dalka ka jirtay dowlad la'aanta.

In la arko haween dheelaya kubad ayaa ah waxyaalaha qaar kamid ah bulshada reer Kismaayo ay aadka ula yaabaan maadaama mudo ka badan 25 sano aan magaalada lagu arkin haween dheelaya kubadda.

Wasaaradda arimaha bulshada Jubaland ayaa qalab isugu jiray dharka isboortiga iyo kubado gudoonsiisay kooxaha kubadda kolayga ee haweenka, ayadoo wasiirka arimaha bulshada Jubaland Mudane Max'ed Ibraahim Max'uud uu sheegay in ay tahay arin lagu farxo in nabaddii ay kusoo laabaneeyso dalka, lana arko dhallintii oo ku tartameeysa noocyada kala duwan ee cayaaraha.

Dhalinta reer Kismaayo ayaa aad ugu mashquulsan cayaaraha gaar ahaan nooca kubadda cagta, ayadoo magaaladu ay imika ka dhisanyihiin ku dhawaad 24 kooxood, waxaana sidoo kale soconaya tartamo kala duwan oo loo qabtay kooxahaasi.

"In dhallintu u jiheeysato dhinaca isboortiga waxa ay ka mid tahay astaamaha nabadda, hore looma arki jirin dhalinyaro kooxo kooxo ah oo ku tartamaya noocyada kala duwan ee isboortiga, maantana waxaad aragtaan in haweenkiina is abaabuleen oo ay kubad dheelayaan," sidaa waxaa yiri agaasimaha isboortiga iyo dhalinyarada Jubaland Burhaan Max'uud Xasan (Kukuuyu).

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa u muuqda in uu galay marxalad ka badalan tii hore, waxaana muuqata in isbadal ka jiro dalka islamarkaana bulshada Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaalladii sokeeye ee dalka iyo dadka ragaadiyay, una jiheeysteen nabad iyo horumar.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.