4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2015
AXMED MADOOBE: Puntland waa inay Aqoonsato Galmudug oo daris la ah ayna wada-shaqeeyaan


Talaado, December 08, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Sh. Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] ayaa sheegay in maamulka Puntland looga baahan yahay inay aqoonsadaan maamulka Galmudug, isagoo sidoo kale maamulka Galmudug ay iyaguna ix-tiraamto Puntland maadaama uu yahay maamul iyaga ka horreeyay dhanka dhismaha.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa hadalka ka jeediyay kaddib heshiiskii colaadihii nabadeed ee laga sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasoo ay dagaallo ku dhex-mareen maamullada Galmudug iyo Puntland.

“Puntland waa maamul-gobaleedkii ugu horreeyay 18-sanno ayna jirtaa, marka waxaa laga rabaa inay maamul kasta oo dhashay gadaasheeda inay gardaadiso oo horumarkooda ay ka shaqeeyso. Waana khasab maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan Puntland oo ay walaalo iyo darisba yihiin; isla markaana iyaga ka horreeyay. Puntland iyadana waxaa khasab ku ah inay aqoonsato maamulka ay dariska yihiin ee Galmdug; lana shaqeeyaan oo aysan iska indho-tirin jirtaanka Galmudug, maamul walbana waxaa laga rabaa inay waddada dhabta ah ee ay leeyihiin maraan,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland oo ka mid ahaa ergadii nabadeynta u tagay magaalada Gaalkacyo ayaa xusay in si hoose loo dhameeyay khilaafkii ka dhex-taagnaa maamulkiisa iyo maamulka Koonfur-galbeed Somalia.

“Waxaan filayaa maamulka Jubbaland ayaa ugu badneyd waxa hadda la jiid-jiido, waanan kasoo gudubnay, waa dhaweyd Shariifka ayaa wax naga sheeganayay; isagana hoos baan uga heshiinnay wixii khilaaf ah ee inoo dhexeeyay,” ayuu Axmed Madoobe mar kale yiri.

Ugu dambeyn, maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inaysan aqoonsanayn maamulka Galmudug, inkastoo 02-dii bishaan December madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug la isugu keenay kulan ay heshiis ku kala saxiixdeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya