4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2015
Xildhibaano Baarlamaanka Canada iyo Somalida ku nool Ottawa oo dadaal ugu jira sii daynta Bashir Makhtal


Talaado, December 08, 2015 (HOL) — Kulan lagu qabtay xafiiska xildhibaanka Somali-Canadianka ah ee Axmed Xuseen oo dhawaan loo doortay baarlamaanka Canada; ayna ka qayb-galeen xildhibaan Borys Wrzesnewskyj oo ah xildhibaan laga soo doorto magaalada Toronto iyo qaybo ka trisan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa a
yaa waxaa looga arrinsaday sidii dardar cusub loo galin lahaa sii-deynta Bashiir Makhtal oo haysta dhalashada Canada oo muddo sagaal sannadood ah ku xiran waddanka Itoobiya.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loosoo nooleyn lahaa ololihii mudda-dheer lagu baadi-goobayay sii-deynta Bashiira Makhtal iyo in dowladda Itoobiya lagala hadlo sii-deynta Bashir Makhtal. 
 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalka Canada John Baird ayaa ku guul dareystay soo af-jaridda xaaladda Bashiir Makhtal. Soomaali badan oo ku nool dalkaan Canada ayaa aaminsan in dowaladdii tan ka horeysay aysan culeys ku saarin dowladda Itoobiya sii daynta Bashiir Makhtal.

Bashiir Makhtal ayaa dowladda Kenya ka qabatay xadka Soomaaliya iyo Kenya xilligii maxaakimta xukunka laga tuuray sannadkii 2006-kii. Waxayna dowladda Kenya ku wareejisay dowladda Itoobiya, iyadoo Bashiir uu hadda ku xakuman yahay xabsi daa’in.

Xildhibaan Axmed Xuseen ayaa wuxuu ka mid ahaa Soomaalida sida weyn ugu ololeyn jirtay sii deynta Bashiir Makhtal intii uu madaxda ka ahaa ururka Canadian Somali Congress.

Kulankaan oo ay hormuud ka yihiin kooxda Bashiir Makhtal Group ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xil laga soo dayrinayo xaaladda caafimaad ee Bashiir Makhtal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya