4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2015
Madaxweynaha Somalia oo sheegay in kaalmada Beesha Caalamka ay muhiim u tahay Soomaaliya


Talaado, December 08, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa xalay si rasmi ah Muqdisho ugu soo xiray aqoon is-weydaarsi muddo saddex casho ah socday oo ay kasoo qayb-galeen xubno ka socday dowladda Somalia iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira, kaasoo looga hadlayey mashaariicda horumarinta ee barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) ee Somalia.

Hadal uu madaxweynuhu ka jeediyay xafladda casho sharaf ah oo shirkaasi lagu soo gaba-gabeynayay oo ka dhacday xarunta gobolka Banaadir, ayaa wuxuu ku sheegay in Somalia ay dib uga soo kabaneyso burburkii iyo colaaddii muddada dheer jiray, loona baahan yahay xilligan in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta.

“Barnaamijkan Hiigsiga Cusub ee dib u dhiska Somalia waa mid muhiim inoo ah. Arrinta keliya ee wallaaca nagu haysa ee aan doonayno inay Beesha Caalamka inala fahmaan ayaa ah in muhimad gaar ah la siiyo kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, farsamada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ee fursado shaqo iyo nolol u abuuraya Soomaalida,’’ ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo intooda badan ah dhallinyaro ay dantu ku khasabtey inay noloshooda ku tiirsanaato qoriga, ha noqdeen kuwo dowladda u shaqeeya, kuwo fal dembiyeed faraha kula jira, kuwo argagixisada la shaqeeya iyo kuwo ka hawlgala meelo kale oo aan nolosha ku habboonayn, si taasi loo beddelo oo xirfado kala duwan ay u yeeshaanna loo baahan yahay in wax loo qabto.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiskii lagu soo afjarayay xiisaddii ka taagnayd Gaalkacyo ee dhawaan la saxiixay, wuxuuna yiri. “Nasiib-darro ayay ahayd in mar kale shacabkeena dagaal sokeeye la geliyo, balse waxaa wax lagu farxo ah in Soomaalida oo dhan ay dirirtaasi ku baxdey, xal Soomaaliyeedna u helay colaaddaasi dadka walaalaha ah u dhexeysey. Waad aragtaan caawa inay inala fadhiyaan, magaalada Muqdishana iyagoo wada jira ay wada yimaadeen madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland’’.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mar kale soo dhaweeyay dadaalka ganacsatada Soomaalida ee dhinaca maal-gashiga dalka, tallaabadaasoo uu ku tilmaamey inay astaan wanaagsan u tahay mustaqbalka dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa RW Somalia, Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya