4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2015
Mareykanka oo sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab


Talaado, December 08, 2015 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeymo ay ka geysatay toddobaadkii hore Somalia iyo Liibiya ay ku dishay laba sarkaal oo ka mid ahaa kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Qaaradda Afrika.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, Cap. Jeff Davis ayaa sheegtay in duqeyn ay ka geysteen Somalia 02-dii bishan December ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan San-dheere iyo xubnood oo la socday.

Sidoo kale, Davis wuxuu xusay in dilka Sandheere oo sidoo kale loo yaqaannay Cukaash ay dhabar-jab weyn ku noqon doonto ururka AL-shabaab ee Somalia ka dagaallama.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay duqeymo ka geysteen deegaan ku dhow Kuunyo-baroow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay ku sugan yihiin xoogagga Al-sbabaab.

Dhanka kale, wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay bishii lasoo dhaafay ku dishay Abul Nabil oo ay ku sheegeen inuu ahaa hoggaamiyihii xoogagga ISIS ee dalka Liibiya.

“Nabil waxaa lagu dilay duqeyn Liibiya ka dhacday 13-kii November 2015-ka, waxaana duqeynta lagu dilay fuliyay diyaarado noocoodu ahaa F-15 oo sarkaalkan ku beegsaday magaalada Derna,” ayuu yiri afhayeenka guud ee Pentagon-ka Davis.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ku dilay hoggaamiyihii muddada dheer soo xukumayay Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaannay Sheekh C/raxmaan Abuu-Zubeyr horraantii bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay 2014-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya