4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
RW Somalia & Madaxweynayaasha Puntland & Galmudug oo Muqdisho soo gaaray (SAWIRRO)


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ay wehlinayeen madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa Muqdisho soo gaaray maanta, iyadoo ay soo dhaweeyeen xubno ka tirsan golayaasha dowladda Somalia iyo mas’uuliyiin ka tirsan Beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland, Cweli Max'ed Cali Gaas iyo madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Muqdisho uga qayb-gelaya shirka madasha wadatashiga Qaran oo ka furmaya Muqdisho Talaadada berri ah.

Sharma’arke oo warbaahinta la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inay ku faraxsan yihiin inay kusoo guuleysteen nabadeyntii ay u tageen magaalad Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoo uga mahadceliyay madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland sidii ay u aqbaleen in lasoo af-jaro xiisaddii colaadeed ee Gaalkacyo ka taagnayd iyo kaalintii ay ka qaateen dadaallada nabadeed.

Ugu dambeyn, RW Somalia oo Hormuud u ahaa Guddigii magaalada Gaalkacyo ka waday dhex-dhexaadinta maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa kala qaaday ciidamadii isku-hor-fadhiyay magaaladaas oo ay horay dagaalladu u dhexmareen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya