4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
Ganacsato Somali ah oo 24-saac ee la soo dhaafay Siyaabo kala duwan loogu dilay Koonfur Afrika


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Dalka Koonfur Afrika ayaa 24-saac ee lasoo dhaafay waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay Afar muwaadin oo Soomaaliyeed oo laba ka mid ah maanta dukaan ay ka wada-shaqeynayeen lagu dhax-toogtay, kadib markii kooxo dabley ah ay ku weerareen goobtooda ganacsi.

Weerarradaan ayaa waxaa sido kale lagu dhawacay afar ruux oo Soomaali ah oo kale sida ay noo xaqiijiyeen Qaar ka mid ah madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaloyinka ay dilalka ka dhaceen.

Allaha u naxariistee, Labada qof ee Soomaaliyeed ee maanta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray; Baashe Ciise iyo Khadar Cabdi Nuur, waxaana lagu dilay deegaan Porta Elizabeth duleedkeeda ah; iyadoo sidoo kalena deegaanka Gilipi ee Cape-town xalay saqdii dhexe lagu dilay laba ruux oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabi jiray, Xasan Calasoow Rooble iyo Cabbaas Xuseen.

Marxuumiintan afarta ah ayaa gellinkii dambe ee Isniinta manta ah waxaa lagu kala aasay qubuuraha muslimiinta ee ku kala yaalla magalooyinka Cape-town iyo Porta Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Booliiska Koonfur Afrika ee ka howlagala magalooyinka ay dilalkani ka kala dhaceen ayaa wada baaritaanno iyo dabagal ay ku hayaan kooxaha falalka dilka ah geystay, inkastoo illaa hadda aysan jirin cid ay u soo qabteen.

Ugu dambeyn, walwalka iyo cabsida Soomaalida dalkaas ku nool haysata ayaa si aad ah u kordhaysa; madamada bishan December ee sannadka u dambeysa ay kordhaan weerarrada ajaanibta loo geysto xilli ay burcadda Koonfur Afrika ah inta badan raadinayaan lacago ay ku tamashleeyaan inta lagu jiro ciidda masiixiga oo ku beegan dhammaadka bishaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in bishii hore ee November 2015-ka qaar ka mid ah gobollada dalka Koonfur Afrika siyaabo kala duwan loogu dilay in ka badan 12-ruux oo Soomaali ah, tiro kalena dhaawacyo kala duwan loo geystay.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika