4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
Haamihii Kaydka Dhexe ee Shidaalka Somalia oo Maanta dib Xarigga looga jaray (SAWIRRO)


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Maanta ayaa waxaa dib xarigga looga jaray haamaha kaydka dhexe ee shidaalka oo ku yaalla dekedda weyn ee Muqdisho, kaasoo ay hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed, waxaana haamahan xarigga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha dalka ee dagaalka sokeeye ku burburay maanta dib loo unkay.

“Dalka innagaa duminay haddaan nahay Soomaali, dib u dhiskiisana innaga ayaa la inooga fadhiyaa. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hir-gelisay waxay qayb ahaan fulisay baaqii aan horay u soo jeediyay ee ahaa DALKAAGA DHISO. Waddankeennu si tartiib-tartiib ah ayuu uga soo kabanayaa dhibaatadii horay ugu habsatay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in wax walba ay ku qurxoon yihiin marka nidaam loo sameeyo, lagama maarmaana ay tahay inuu ganacsigeennu noqdo mid sharciga waafaqsan.

“Ganacsiga waddankeenna waa in shuruuc loo sameeyaa si uu u noqdo mid la jaan-qaada ganacsiyada kale ee caalamka. Waad aragtaan in ganacsatadeenna ay hanti badan geliyeen dalalka shisheeye, iyagoo taas sabab uga dhigaya inuusan jirin nidaam iyo sharci ganacsi oo lagu kala dambeeyo. Inaan nidaam sameysano waxay naga caawineysaa soo jiidashada maal-gashi ka yimaada dibadda iyo gudaha, haba ugu badnaadeen Soomaalida,’’ ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia wuxuu xusay in dowladdu ay dhiiri-gelinayso ganacsiga xorta ah, ayna ugu baaqeyso Soomaalida inay horseed ka noqdaan maal-gashiga lagu sameysanayo dalkooda, si ay horumar u gaaraan.

“Waan dhiiri-gelinayaa ganacsiga xorta ah. Ganacsatada Soomaaliyeed ee maal-gashanaya dalkoodana aad baan u bogaadinayaa, laakiinse waa in aanay iloobin waajibka kale ee ka saaran bixinta canshuurta si loo dadajiyo dib u dhiska dalka, iyadoo laga duulayo duruufta gaarka ah ee dalkeena haysta,’’ ayuu madaxweyne Xasan ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa ugu baaqay hay’adaha dowliga ah ee ku shaqada leh in la dardar-geliyo la socodka tayada badeecadaha kala duwan ee lagu iibiyo suuqyada. Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qayb-galey hadallana ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia iyo madaxda shirkadda Somali Fuel Company.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya