4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
Dowladda FS oo Maanta shaacisay inuu isku soo dhiibay Nin Mareykan ah oo ka tirsanaa Shabaab


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegay inuu isu soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose dagaal-yahan u dhashay dalka Mareykanka oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Xuseen Maxamed Barre oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in ninkan Maraykanka ah uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan degmada Baraawe.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in in ninkan uu u sheegay in uu kasoo baxsaday dagaalka u dhexeeya Al-shabaab ee salka ku haya inay ISIS ka mid noqdaan iyo inay kasii mid ahaadaan kooxda Al-Qaacida.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre, waxa uu sheegay in ninkan uu u sheegay in la doonayey in la dilo, sidaas darteedna uu naftiisa u baqay oo uu soo baxsaday.

“Wuxuu ninkan noo sheegay inuu kasoo baxday Al-shabaab, wuxuuna Baraawe soo gaaray isagoo rafaad uu ka muuqdo, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada millateriga Somalia ee degmada ku sugan,” ayuu yri Barre.

Mar la weydiiyay gudoomiyaha oo ahayd in markii uu gacanta u soo galay ay weydiiyeen, halka uu ka yimid, cidda uu yahay iyo magaciisa, ayuu kaga jawaabay. “Runtii wareysi aan la yeelannay, wuxuuna noo sheegay inuu kasoo baxsaday Al-shabaab, cabsina ay u geysay inuu cabsi awgeed u soo baxday, isla markaana lagu dilay deegaanno Kuunyo-barroow ka mid ah rag badan uu xusay inay saaxiibbo ahaayeen; ayna taasi keentay inuu soo baxsado.”

Isagoo sii hadlayay guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa wuxuu sheegay inuu u sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee xarakada Al-shabaab rag badan oo ay si dhow asxaab u ahaayeenna la dilay, xitaanka far ka mid ah farahiisa ay kaga go’day dagaal uu galay.

Su’aal kale oo ahayd afka uu ku hadlayo ninkan Mareykanka ah ayuu Barre xusay inuu ku hadlayo luuqadda Ingiriiska, isla markaana uusan afka Soomaaliga, si wanaagsan u aqoon; uuna yahay Mareykan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inuu ninkan qiyaas ahaan jiro 40-sanadood, ayna baaritaanno adag ku hayaan hay’adaha nabad-sugidda Somalia, magaciisa rasmiga ahna uusan weli u sheegin.

Al-shabaab; ayaan weli ka hadlin sarakaalkan Mareykanka ah ee ka tirsanaa oo u baxsaday dhanka dowladda federaalka Somalia, inkastoo ay saraakiisha sare ee Al-shabaab ay horay u sheegeen inay gacmaha qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay kala qaybiso safkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya