4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
SAWIRRO: Madaxweynaha Somalia iyo Wakiilka Mareykanka ee Somalia oo ku kulmay Muqdisho


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Somalia, David H. Kaeuper, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada waddan.

Xasan Sheekh ayaa ergayga Mareykanka ee arrimaha Somalia uga war-bixiyay horumarka laga sameeyay amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada Somalia sannadihii u lasoo dhaafay.

Sidoo kale, danjire Kaeuper ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wada-tashiyada siyaasadeed ee dalka ka socda, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo ku qotoma Hiigsiga Somalia ee 2016-ka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya iyo wakiilka Mareykanka ayaa isku afgartay in Somalia laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasada, sida; dhaqaalaha iyo amniga si dalku u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya