4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
BELEDWENE: Saraakiisha Itoobiya oo ka Hadlay howlgal ay ku dileen xoogag ka tirsan Al-shabaab


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ayaa xusay in howlgal ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayku dileen rag ka tirsan xarrakada Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in howlgalka uu ka danbeeyay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo AMISOM sahay u siday ciidammo kale oo ku suganaa deegaanka Ceelcali ee galbeedka gobolka Hiiraan.

''Dagaal dhawaan ka dhacay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan; kaddib markii ay xoogagga Al-shabaab isku dayeen inay is-hortagaan ciidan ka tirsanaa kuwa dowladda Somalia iyo AMISOM, waxaa halkaa ka bilaawday iska horimaad culus oo khasaare loogu geystay Al-shabaab,'' ayuu yiri sarkaalkan ciidamada Itoobiya u hadlay.

Sarkaalka ayaa xusay in dagaalkaas ay ku gacan siiyeen bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada lagu dagaallamay, wuxuuna sheegay in haddii ay bulshadu ka Qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab in laga adkaan karo.

Wuxuu sarkaalku beeniyay war kasoo yeeray Al-shabaab oo sheegatay in tiro askar ah ay kaga dileen dagaalkaas ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Ceelbaar ee gobolka Hiiraan ayaa inta la og-yahay lagu dilay 13-ruux oo ka tirsan dhinacyadii uu iska-horimaadku dhax-maray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya