4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
Madaxweyne Obama oo khudbaddiisii xalay kaga hadlay Kooxda ISIS iyo Muslimiinta Mareykanka


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Khudbad uu Madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama u jeediyay shacabka Maraykanka ayuu kusoo bandhigay hannnaanka maamulkiisa ee ku aaddan halista iyo dagaalka lagula jiro kooxda Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish.

Barack Obama ayaa dadka dalka Maraykanka ku boorriyay inaysan baqdin-galin kooxaha argagixisada ah, kaddib weeraradii ka dhacay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska iyo gobolka California ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Barack Obama ayaa weerarkii gobolka California ee ay ku dhinteen 14-ka qof ku tilmaamay fal-argagixiso oo loogu talo-galay in shacab badan lagu laayo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in Maraykanku uu muddo badan kula jiray dagaal kooxaha argagixisada. "Tan iyo markii Al-Qaacida ay dishay in ku dhawaad 3,000 oo ruux weerarradii ay Maraykanka kusoo qaaday 11-kii, September sannadkii 2001-dii.”

Barack Obama wuxuu sheegay in halista ka imanaysa argagixisadu ay dhab tahay, Laakiin laga guuleysan doono oo la burburin doono Daacish iyo weliba kooxaha kale ee isku-daya inay dhibaato gaarsiiso Maraykanka.

Obama wuxuu sheegay inay jiraan tallaabooyin maamulkiisa iyo Congress-ka Maraykanka ay si wadjir ah u qaadi karaan si looga guuleysto argagixisada, isagoo ugu baaqay inay cod u qaadaan si loo ansixiyo sii awoodda military loo isticmaali lahaa.

Laakiinse, madaxweyne Obama wuxuu kasoo hor-jeestay in ciidammo badan oo dhulka ah la geeyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Wuxuu yiri. "Mar kale nalaguma riixi karo dagaal ama duulaan dhulka ah oo daba-dheeraada, lacag bandanna ay ku baxdo oo aan ka fulinno waddamada Ciraaq iyo Suuriya.”

Wuxu kaloo Obama ballan-qaaday in Maraykanka uu baacsan doono madaxda kooxaha ar-gagxisada meel kastoo ay ku dhuumanayaan. Isagoo hadalkiisa raaciyay inay sii wadayaan tababarrada iyo qalabka la siinayo ciidammada dallaka Suuriya iyo Ciraaq ee dagaalka kula jira Daacish, Maraykankuna uu saaxiibaddiis arrintaan kala shaqeyn doono.

Madaxweyne Obama wuxuu soo hadal qaaday xakameynta iibsiga hubka ama Qoryahaha ee gudaha dalka Maraykanka oo uu sheegay inay dhici karto in qof argagixiso ah uu hub iibsan karo, wuxuuna ugu baaqay xubnaha Congress-ka Maraykanka inay hubiyaan in qof ku jira liiska dadka aan duuli raaci karin uu hub iibsan.

Dhanka kale, Obama wuxuu sidoo kale Congress-ka ugu baaqay in sidoo kale la adkeeyo baadhista kuwa fiiso la'aanta Maraykanka kusoo gala ee wata Baasaboorrada dalalka reer Galbeedka, isagoo sheegay in si dhab ahna loo eego dadkaas inay u safreen dalalka ay ka socdaan dagaallada iyo in kale.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa khubaddiisa kaga hadlay cabsida ka jirta Dalka Maraykanka ee ka dhalatay weerarradii gobolka California, taasoo shaki ka dhex-abuurtay Muslimiinta iyo dadka Maraykanka ah. isagoo xusay inaan Maraykanka la iska hor-keeni karin.

"Waxaa naga saaran mas’uuliyad ayaa naga saaran inaan diidno soo jeedimaha oranaya in muslimiinta Maraykanka loo dhaqamo si ka duwan sida dadweynaha kale ee Mareykanka loola dhaqmo,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Barack Obama.

Isagoo intaas ku daray. "Muslimiinta Maraykanku waa saaxiibadeen, waa dariskeenna, waa kuwo aan isla shaqeynno, waa geesiyadeena dhinaca cayaaraha, waana kuwo ciidamadeena diyaarka u ah inay u dhintaan difaaca dalkeenna ka tirsan, waana inaan taas xasuusnaannaa mar walba.”

Ugu dambeyn, Barack Obama wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in dagaalka ay kula jiraan argagixisadu uu guul ku dhammaan doono. iyadoo madaxweyne Obama uu khudbaddan u jeediyay shacabka Mareykanka xalay, tasoo noqonaysa middii saddexaad oo uu xafiiskiisa ku dhex-yaalla Aqalka Cad ee Mareykanka ka jeediyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya