4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
AWEYS: Shiinuhu waxay Somalia u soo Dirayaan Khuburo Qiimeeynaya siday noo Caawinayaan


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegatay inay u dirayso Somalia dhawaan xeel-dheerayaal qiimeeyn ku sameeya meelaha ay doonayso in Somalia ay ka taageerto, si dib loo soo celiyo iskaashiga labada dal u dhexeeyay ka hor burburkii dowladii dhexe sannadkii 1991-kii.

Afhayeenka madaxweynaha dowladda Somalia, Daa’uud Aweys oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadda Shiinaha ay diyaar u tahay in maal-gashi baaxad leh Afrika ay ku sameysato, ayna ku tabarucday adduun lacageed oo dhan 60-bilyan o doollaar.

“Dowladda Shiinaha waxay ballan-qaaday inay dib u soo celinayso iskaashigii ay la lahayd Soomaaliya, isla markaana waxay u soo diraysaa khuburo indho-indheyn ku sameyn doono goobaha ugu muhiimsan ee Somalia ay dooneeyso in laga tageero. Waxayna bixin doonaan tababarro sare loogu qaadayo dadka xirfadda yaqaanka ah, waxaana muuqata in Somalia ay u baahan tahay hir-gelinta mashaariicda faraha badan ee dowladda Shiinaha dhaqaale ku bixinaya. Dalka Shiinaha wuxuu ballan-qaaday inay Somalia ka caawin doono arrimaha ay rabto in laga caawiyo,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Daa’uud Aweys.

Ugu dambeyn, Qaaradda Afrika ayaa la sheegay inay sannadkiiba ay u baahan tahay lacag gaareysa 90-bilyan oo doollar oo maalgashi ah. Waxaana la sheegay deeqda iyo maal-gashiga Shiinaha ay yihiin kuwo wax weyn ka tari doona dib us oo kabashada dhaqaale ee Afrika.

Si kasta ha ahaatee, Dowalada Shiinaha ayaa sheegtay in maal-gashigooda QaaraddaAfrika uu yahay mid labada dhinacba wax u taraya; taasoo hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ee ka qayb-galay shirkii maal-gashiga Shiinaha ee Afrika lagu soo gunaanaday Johannesburg ay si weyn u soo dhawenayeen .

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika