4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
Askari la ruqseeyay oo Boosaaso ku dilay taliyihii Ciidamada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Askari hubaysan ayaa maanta degmada Boosaaso ku dilay taliyihi ciidanka garoonka diyaaradaha Boosaaso, Col. Xasan Shire Amaan ,waxaana la dilay xilli uu shaqada soo galayay maanta ,isaga oo ku sugnaa albaabka hore ee laga galo garoonka

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari C/xakiin Xuseen Yuusuf ayaa sheegay in Askariga dilka gaystay maalmo ka hor la ruqseeyay, isla markaana ay socdaan baaritaano dheeri ah oo la xiriira waxyaabaha ku kalifay shirqoolkan.

“Waxaan geerida ku timid taliyaha uga tacsiyaynayaa ehelkiisa iyo dhammaan ciiadmada Puntland, waxaa dilkiisa fuliyay askari kamid ahaa ilaalada garoonka diyaaradaha oo uu shaqada ka eryay maalin dhaweyd,“ ayuu yiri C/raxiim oo la hadlay warbaahinta gudaha.

“Askariga dilka gaystay waa uu baxsday balse ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka gobolka Bari ayaa ku mashquulsan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen," ayuu mar kale yiri taliyaha oo xusay in marxuumka la dilay aysan la socon wax ilaalo ah markii la tooganayay

Marxuum Xasan Shire Amaan ayaa xilkan soo hayay tan iyo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxaana qaar ka mid ah dadkii la soo shaqeeyay ay sheegeen in uu ahaa Nin afgaaban oo cibaado badan.

Ugu dambeyn, dilkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso uu gaba-gabo ku dhow-yahay, waxaana geerida marxuumka ka tacsiyay Qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]