4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
SAWIRRO: Shirkada Global Internet oo Maanta soo bandhigtay adeeg casri ah oo INTERNET


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Shirkada Global Internet ayaa soo bandhigtay maanta adeeg cusub oo Internet, kaasoo xawaarihiisu sarreeyo, ayna dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed isticmaali karaan.

Maamulka shirkadda Global Internet, C/qaadir Xasan Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa tilmaamay in shirkadda ay soo bandhigtay adeeg casri ah oo lagu magacaabo Somnet Telecom MIFI 4G, kaasoo aad ka heleyso internet xawaarihiisu aad u sarreeyo , isla markaana ay bulshada isticmaaleysa u adeegsanayaan simcard cusub oo aad ku isticmaali karto meelkasta oo aad caasimada ka joogto.

Sidoo kale, C/qaadir Xasan ayaa warbaahinta u sharraxay adeegga cusub ee ay maanta soo bandhigtay Global Internet, kaasoo ay adeegsan karaan ardayda waxbaratada iyo qaybaha shacabka ee daneynaya inay isticmaalaan Internet-ka.

“Somnet Telecom MIFI 4G LTE, waxay soo bandhigtay maanta, adeeggan qof kasta uu is-ticmaali karaa, qiimaha qalabka waa 95-doollar, 20-GB oo free ah ayaa ku jirta, waxaad u isticmaali kartaa, teleefonkaaga iyo kambiyuutar-kaaga meel walba oo aad Muqdisho kaga sugan tahay, markay kaa dhammaato muddada bisha ah ee aad isticmaaleyso,” ayuu shirka jaraa'id  ku yiri maamulaha shirkadda Global Internet.

Ugu dambeyn, shirkadda Global oo soo jirtay tan iyo sannadkii 2003-dii, waxay adeeggaan cusub ku sheegeen inuu yahay mid aad u qiimo jaban oo dadka doonaya ay ku iibsanayaan qalabka MIFI loo yaqaan oo ah midka kuu sahlaya in isticmaalka adeega internet-ka aad la aadi karto meel kasta oo caasimadda ka mid ah, ayna ku jirto 20-GB oo free ah [aan lacag ahayn].

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya