4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
Q-2-AAD: Warbixintii Dumarka Afrika ee inta la Guursado laga Maqnaado Sannado (SAWIRRO)


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Beguedo oo ah magaalo yar oo Koonfur-bari kaga beegan 230-KM caasimadda Dalka Burkina Faso ee Ougadougou oo ay ka dhisan yihiin guryo isugu jira carshaan caws ka sameysay iyo guryo waaweyn oo Talyaanigu leeyahay ayaa la suray boorar looga sheekeynayo haajiridda ragga magaaladaas ee xaasaskoodii ay waaayeen.

Mominata Sambara ninkeedu wuxuu Talyaaniga tagay muddo 30 sano laga joogo, isagoo si joogto ah u soo noq-noqonayay si ay lammaanuhu u dhalaan toddoba carruur ah oo ay isku dhaleen..

"Arrimuhu si fiican ayay u dhaceen. Bil walba waxaa uu soo dirayay lacag dhan qiyaastii 70-doollar ah. Guri ayuu inoo dhisay," ayay tiri Mominata, iyadoo ku fadhida firaash qurux badan gurigeeda hortiisa yaallay. Iyadoo intaa raacisay "Laakiin arrimuhu hadda sidii hore way ka duwan yihiin."

Riyada ah in Talyaaniga loo dhoofo waxay saameysay waxbarashada ku yaalla Beguedo, dhallinyaradu waxay lumiyeen xiisaha ah inay wax bartaan; sababtoo ah iyagoo sameynaya waxay la tahay inay lacag dhaqso ah ka helayaan markay u dhoofaan Talyaaniga, halka haweenka dhallinyarada ah ay mararka qaarkood iskuullada isaga tagaan si ay niman Talyaani ah u guursadaan.

Zongo wuxuu sheegayaa in haweenka qaar ay soo baranayaan dhibaatooyinka ay arrintaasi leedahay. Isagoo yiri. "Inta u dhexeysa meherka iyo meesha ku xigta ee ninka tuulada jooga, waxaa socon kartaa shan, lix ama toddoba sano.”

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Naaagtu waxay la noolaanaysaa ninka guursada qoyskiisa. Waa inay noqotaa qof daacad ah oo miskiin ah. Isha ayaa lagu haynayaa. Waxaa lagu nici karaa hal ceeb oo ay yeelato."

Waxay halis ugu jirtaa inuu la guursado naag kheyrkeed ah, sida ay caddeynayso Adiassa oo 50 jir ah; kaasoo aan magaceeda runta ah ahayn. Ninkeeda oo 30 jir ahaa; wuxuu dalka Talyaaniga ku noolaa muddo 20-sano ah, waxaana uu xataa halkaas geeyay laba wiil oo ay dhaleen si ugu noolaadaan ugana shaqeystaan.

"Bilawgii, arrimuhu way fiicnaayeen, labadii sanadaba mar ayuu imaanayay, lacag fiican ayuuna soo dirayay," ayay sheegtay, iyadoo xijaabka madaxa ku toosinaysa. "Haa, runtii way fiicnaayeen arrintu," ayay ku celisay. Waxayna ku dartay in lix sano ka hor ninkeedu uu u sheegay inuu guurasanayo xaas labaad. Iyadoo tiro. "Kumana aanan heshiis. Ma jirto naag doonaysa in ninkeeda naag kale uu la guursado, balse wax kala doorasho ah ima uusan siin."

Dadka ku nool magaalada Beguedo iyo deegaannada ku hareeraysan ee dalka Burkina Faso waa muslimiin. Guursiga naagaha badan dhaqankooda ayaa oggol. Sidaasoo ay tahay dhar-baaxo culus ayay ku noqotay Adiassa markii ninkeedu uu naag ka da' yar uu la guursaday, isla markaana uu dibadda u watay.

Adiassas waxay sheegtay in ninkeedu uusan lacag dambe u soo dirin, uusanna soo wicin; haatan waxay ku tiirsan tahay carruurteeda oo keliya inay daryeelaan.

Dhanka kale, Awa Sagne arrintan oo kale ayaa soo martay. Saddex sano ka hor, si uu u muujiyo guusha uu ka gaaray Talyaaniga, ninkeedu wuxuu guursaday naag labaad. Sanado badan kaddib oo nolosheeda ay la halgamaysay. Awa oo -38-jir ah, waxay haatan guriga qoyska la wadaagtaa naag ku dhawaad 20-sano ka da' yar.

“Mar ayuu ku dhiirraday inuu soo diro lacag 5-doollar ahayd; maxaan taa ku sameynayaa? Mar kale ayaan eegay baqshadda ay ku jirtay, waan rumeysan waayay, markaas ayaan dib ugu celiyay," ayay tiri Awe. Waxayna hadalkeeda ku dartay. “Waan wacay waxaanan ku iri waad mahadsan tahay, balse mahadi ma jirto. Waxaa la ii qaatay inaan shaqa tago oo lacagtaas oo kale soo shaqeysto."

Ugu dambeyn, Malika oo 22 jir ah ayaa si tartiib ah u furatay akoon bangi kaddib markii ay guursatay nin Talyaani ah sadex sano kahor. Mar kasta oo ay awoodo, lacag yar ayay meel dhigtaa, xataa haddii ay tahay kumiyaal. Iyadoo tiri. "Wax kasta uma sheegan kartid seyga. ku qaba, mana aamini kartid 100%."

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya