4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2015
Kulan dhaqaale loogu ururinayay Isbitaalka Buulo-burte oo lagu Qabtay London (SAWIRRO)


Isniin, December 07, 2015 (HOL) — Kulan lagu taageerayay isbitaalka Degmada Buulo-burto ee gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada London ee xarunta wadanka Britain. Waxaana ka qaygbalay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay jaalliyada UK oo kaashanaya hay'adda IHDO (International Human Development Organization) oo ah hay'ad samafal oo horay qalab-caafimaad u gaarsiisay isbitaalka Buulo-burto. Iyadoo kulanka uu noqonay kii saddexaad ee deeq loogu ururiyo isbitaalka Buulo-burte, iyadoo xaflado tan la mid ahna ay horay loogu soo qabtay magaalooyinka Toronto iyo Minneapolis.

Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay guddoomiyihii guddiga qaban-qaabada, Yaxye C. Cumar oo laga dhageystay warbixinno kula aaddan kulanka iyo sababta loo qabtay.

Intii uu kulanku socday lagu soo bandhiqay muuqaallo ka hadlaya xaaladda caafimaad iyo waxbarasho ee Buulo-burto. Waxaa sidoo kale la daawaday muuqaal taageero ah oo ay soo duubtay wasiiradda caafimaadka Somalia, Xaawo Xasan Maxamed.

Wax-garadkii kale ee goobta hadlay aadna dadka ugu baraarujiyay muhiimadda ay leedahay in gacan laga geysto dib u howl-gelinta isbitaalka Buuloburto waxaa ka mid ahaa: Sh. Usuuli, Prof. Waasuge, Dr Liibaan Diiriye, Cabdi F. Laqanye, Xildhibaan Dhuxulow, Dr. Dirir Goodax, C/raxmaan Macallin, Maryan Jacayl, Abwaan Cabdi-dhuux, Abwaan Dhugdhugle, Faadumo Buuloburte, Cabdi Dheeg, Daahir Kulmiye, Macallin John, Biyooley, Shiine Guhaad, Xaaji Muuse iyo kuwo kale.

Waxaa xusid mudan inuu isna halkaas khurbad xiiso leh uu ka soo jeediyay Paul Marino oo ay Soomaalidu u taqaanno Geeddi Raage, ahna nin Mareykan ah oo si wanaagsan ugu hadla afka Soomaaliga, horayna uga soo shaqeeyay Isbitaalka Buulo-burte oo uu kasoo noqday kalkaaliye caafimaad.

Ugu dambeyn, kasoo qayb-galeyaashii waxay ballan-qaadeen in intii karaankood ah ay qayb ka qaadanayaan soo noolaynta isbitaalka degmada Buulo-burte, iyagoo aad ugu mahad-celiyay hay'adda IHDO oo uu hormuud u yahay Rufaaci Shirwac, ahna hay'adda iska leh fikirka dadaalkan la wado.

Waxaa kale oo amaan loo soo jeediyay gabdhaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer London iyo bahda cayaaraha London oo qayb ka qaatay qaban-qaabada kulanka, ayna horkacayeen Macallin John iyo Macallin Shiino Guhaad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya