4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2015
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo eedeymo u jeediyay Xukuumada iyo Jawaabtii laga bixiyay


Axad, December 06, 2015 (HOL) — Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADANI, Boobe Yuusuf Ducaale ayaa xukuuumadda ku eedeeyey inay ka dambaysay dhacdo dhowaan ka dhacday magaaladda Gabiley oo calanka xisbiga WADANI Ey loo xidhay.

Boobe Yuusuf Ducaale ayaaa dhacdaasi ku eedeeyey xukuumaddu inay ka dambaysay, isla markaana sheegay inaan weli qof loo qaban ama aanay ka hadal mas'uuliyiinta xukuumada taasina waxa uu sheegay inay cadeyn u tahay inay xukuumaddu ka dambayso.

“Madaxtooyada iyo Xarumaha Xisbiga Kulmiyena hadal-hayntooda maalmahani waxay ahayd in ay ku guulaysteen in ay Ey u xidhaan calanka Xisbiga WADDANI. Intaa waxa raacayay halkudhegyadii ay dadka lacagta ugu laabeen ee ahaa: "WADDANI Gebilay ma iman karo iyo wax la mid ah." Waxa hubanti ah in ay hawshaa galeen oo ay ka danbeeyeen saddexanka isku-raranta aan la mahadin ah ee Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo dowlada hoose ee Gebilay. Dheecaankii wadhatada laga soo nuugay ayaa qorshayaashaa dhagareed lagu maal-gelinayay. Ceebtood ma aha ee waa caadadood.”ayuu yidhi Boobe Yuusuf oo ku eedeeyay xukuumadda in calankooda oo ey loo xidhay.

Waxaanu intaas ku daray “Saddexda Xisbi meel wal oo dalka ahba waa ay tegi karaan, ka hadli karaan, iska sharrixi karaan. Waa xeer & xaagaan; dalka, gobollada iyo degmooyinku uma xidhna Xisbiga Kulmiye. Farriimaha caynkan ah Madaxtooyada iyo Xisbiga Kulmiye waxay ku hurinayaan dagaallo sokeeye oo dalka ka bilaabma doorashadana dib loogu rido. Fariimahan shareysan, xajiimaysan ee xanafta leh ee doollarka lgu laabayaa waxay horseed u yihiin in dalku kala googo'o oo qolaba meel sheegato sidaasna xisbinnimadu ku baaba'do. Xukuumadda iimaanka-daran ee miyi iyo magaalaba murdisay waxa ku fillaa in ay soo bandhigto waxqabadkeedii 7da sannadood ee ay xilka haysay oo ay ku ladho ballan-qaad kale. Waa fursad annaan helin annagu oo ay na dheer yihiin. Dhaqan-xumada iyo dhalan-darrada reer Gebilay uma ay dhalan ee waxa baday xukuumada abaalka daran ee dhaqanka suuban iyo aqlaaqiyaadka diineedba ka arradan ee kiishkii Cawaale sheegay ee aan buux-samayn sidata, kaas oo ilaa London dabadiisu joogto.”

Dhinaca, waxa eedeentaasi Xisbiga WADANI ka jawaabay Af-hayeenka Madaxweynaha Xuseeen Deyr oo xusay inaanay waxba ka jirin,isla markaana sheegay in hadalo aflagaado ah ay ka soo yeedhay xisbiga WADANI.

“Siyaasadda hagta Xisbi Qaran oo Mucaarid ah waxay u baahantahay Hayal-samaan, Argti iyo farsamo siyaasadeed oo xeel-dheer taasoo salka ku haysa daacadnimo, run-sheegnimo, dulqaad, hadaf iyo himilo siyaasadeed oo qaran lagu dhiso, ummaddana lagu hoggaamiyo. Hadafka iyo himilada Siyaasadeed ee haga Xisbi Qaran oo Mucaarid ah way ka qoto-dheer tahay caadifad, shaqsi weerar, aargoosi-siyaasadeed & in bulsho-weynta Somaliland la dhex-dhigo xumaan ee nabadda iyo samaha jecel. dhinaca kale, kasbasha shacbiga waxay lagama maarmaan u tahay ka rumaynta himilada iyo hiigsiga siyaasadeed ee uu leeyahay xisbi kasta oo tartan ugu jira hanashada hogaanka dalka,” ayuu afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr yidhi, isagoo ka hadlayay eedeynta loosoo jeediyay.

Waxaanu intaa ku daray. “Haddaba, waxaynu si joogto u maqalnaa hadallo iyo dhawaaqyo isugu jira dhaliilo iyo dhaleecayn xad-dhaaf ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay xukuumadda u soo jeedinayaan saraakiil xilal sare ka haya xisbiga mucaaridka Somaliland ee WADDANI. Dhaliisha ay soo jeedinayaan madaxda iyo saraakiisha xisbiga WADDANI kuma salaysna xaqiiqo dhab ah oo jirta, sidoo kale ma daliishadaan baylah jirta, hagrasho iyo dhalliilo muuqda oo ay shacbigu uga garaabi karaan. Waxaynu hadh iyo habeenba noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnaa ama ka aragnaa haddallo xad-gudub iyo deelqaafba ku ah cirdiga iyo sharafta Madaxweynaha Somaliland iyo weliba qoyskiisa, xukuumaddiisana lagu weerarayo, taasoo dhaqan iyo caado u noqotay xisbiga Waddani.”

Afhayeenka oo dhibsaday war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga WADDANI wuxuu yidhi “Tusaale ahaan hadallada meel ka dhaca iyo karaamo-darrada ku ah hanaanka xisbinimada ee lagu sheegay War-saxaafadeedkii soo saaray Xisbiga Waddani waxa ka mid ahaa: “Saddexanka isku-raranta aan la mahadin ee kala ah Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo Dawladda Hoose ee Gebilay, dheecaankii wadhatada laga soo nuugay ayay qorshayaal dhagareed ku maal-gelinayaan. Ceebtood ma aha ee waa caadadood.” “Farriimahan sadhaysan, xajiimaysan ee xanafta leh ee doollarka lagu laabayaa waxay horseed u yihiin in dalku kala googo' oo qolaba meel sheegato sidaasna Xisbinnimadu ku baaba'do!” Farriimaha kale ee lagu  sheegay war-saxaafadeedkii uu Xisbiga WADDANI soo saaray oo run ahaantii gef ku ahaa caqliga suuban iyo garashada feyow ee ummaddeena iyo weliba magaca, sharafta, wadajirka iyo dareenka ummadnimo ee mideeya bulshada samaha jecel ee  Somaliland, waxa ka mid ahaa: “Xukuumadda iimaanka-daran ee miyi iyo magaalaba murdisay waxa ku fillaa in ay soo bandhigto waxqabadkeedii 7da sannadood ee ay xilka haysay oo ay ku ladho ballan-qaad kale. Waa fursad annaan helin annagu oo ay na dheer yihiin.”  Falalka dhaqan-xumada ah ee lagaga hadlay war-saxaafadeedkaa yool habaabay ee uu sii daayay Xisbiga WADDANI, Xukuumadda ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Silaanyo wax shaqo kuma laha abaabulka iyo suurto gelinta falalkaa iyaga ah, cid kasta oo ku kacda falalkaa noocaas ahna Xukuumaddu way ka soo horjeedaa.”

Waxaanu intaas ku daray “Xisbi uu hunguri ka hayo hanashada hoggaanka dalka ugu sarreeya, looma baahna inuu isaga laftiisu carqalad ku noqdo wax kasta oo horumar iyo wanaag ah oo ummadda u soo kordha, cid kastaba ha qabatee. Nasiib darro, Xisbiga WADDANI wuxuu mar walba u tafo-xaydan yahay in tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado ay ummadda ugu tarjumaan sida qaldan, si shacbiga iyo Xukuumadda la iskaga horkeeno. Hab-dhaqanka noocan ah waxa uu keliya sii fogaynayaa kalsoonida ay bulshadu ku qabto Xisbiga WADDANI iyo taageerada ay Xisbi ahaan ka filan karaan cod-bixiyeyaasha oo iyagu ah kuwa ay ku xidhantahay guusha iyo guul-darrada Xisbi kasta.”

Ugu dambeyn, xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo xukuumadda ayaa hadalo isku way-daarsaday hawadda, ka dib markii maalmo ka hor saraakiil ka socda xisbiga WADANI oo booqday magaaladda Gabiley lagu soo dhoweeyey qaab mudaharaad oo kale oo calan-kooddii lagu xiray ey taasoo xisbiga wadanina ka careysiisay kuna eedeeyey xukuumadda iyo xisbiga kulmiye.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland