4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2015
SAWIRRO: Wasiirka Maaliyada oo furay tababar lagu baranayo ururinta canshuuraha Barriga


Axad, December 06, 2015 (HOL) — Wasiirka maaliyadda xukumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Fargeeti] ayaa maanta xarunta dhexe ee ilaalinnta cansuurha tababar uga furay shaqaalaha wasaaradda maaliyadda, qaybta canshuuraha Barriga iyo laanta ilaalada canshuuraha ee booliiska Soomaaliya.

Xafladdii furitaanka tababarkan ayaa waxaa goob-jog ahaa xisaabiyaha guud ee Qaranka, agaasimaha guud ee wasaarddda maaliyadda, agaasimaha waaxda miisaaniyadda iyo agaasimaha waaxda canshuuraha Barriga, taliye ku xigeenka booliiska Somalia, taliyaha hoggaanka ilaalada canshuuraha iyo marti kale.

Taliyaha hoggaanka ilaalada canshuuraha, Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in ciidamda booliska gaar ahaan laanta canshuuraha ay diyaar u jihiin inay waajib kooda u gutaan si daacadnimo ah.

“Mudane wasiir, waxaan hortaada ka ballan-qaadayaa inaan qabano waajibaadka dadka iyo dalka naga saaran, una gudano si daacad ah lacagta lasoo ururiyana jeeb gaar ah kuma dhacayso; ee waxaa toos loogu gudbinayaa bangiga dhexe,’’ ayuu yiri Jen. Bariise.

Xisaabiyaha guud ee Qaran, Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ayaa isagana kula dardaarmay shaqaalaha qaadaya canshuurta iyo booliiska ilaalada u ah inay ka fogaadaan xaaraanta iyo musuq-maasuqa, isagoo sidoo kale sheegay shaqada lahayo inay tahay tii shacabka loona baahan yahay in ammaanada shacabka la dhawro.

Ugu dambeyn, waxaa xafladdii tababarka ka hadlay wasiirka maaliyadda XFS, Maxamed Aadan Ibraahim oo xubnihii la lababarayay u jeediyay hadal dardaaran iyo guubaabo u ahaa shaqooyinka loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed.

‘’Waxaa aad iyo aad muhiim u ah tallaabo walba oo la qaadayo in sharciga lagu saleeyo; haddii kalene wixii aan sharci ahayn ay noqonyso inaan nidaam la’aantii iyo fowdadii kusii jirno, waxaana arinkaas dhaawacayaa sumcadda dowladda iyo tan maamulka,’’ ayuu yiri wasiir Fargeeti.

Ugu dambeyn, wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa gaba-gabadii shacabka ugu baaqay inay si wadajir ah u bixiyaan canshuuraha barriga si dowladdu Somalia uga maaranto kaalmada beesha caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya