4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2015
Ciidamadii ku dagaallamay Magaalada Gaalkacyo oo Maanta lagu Guuleystay in la kala Qaado


Axad, December 06, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta shaaciyay inay si rasmi uga dhaqan-gashay degmada Gaalkacyo xabad-joojinta, ciidamadii is-hor-fadhiyayna la kala qaaday.

Odawaa ayaa wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in xaaladda Gaalkacyo ay degen tahay, isla markaana dadweynihii horay uga ka barakacay ay billaabeen maanta inay dib ugu soo laabtaan.

“Xaalada Gaalkacyo aad ayay u degen tahay, kaddib dadaal la sameeyay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, balse markii heshiiska lagu kala saxiixay waxaa ka dhacay dhibaatooyin aan badnayn, laakiin waxaa lagu guuleystay in la xalliyo, labada maamulna waxay ballan-qaadeen inay heshiiska nabadeed adkeynayaan,” ayuu wasiirku ku yiri wareysigiisa.

Sidoo kale, wasiir Odawaa ayaa intaa ku daray in wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayna ka mid ahaayeen - isaga iyo wasiirka cadaaladda ay kormeereen goobihii lagu dagaalamay, xaaladooduna ay ahayd mid deggen, isagoo xusay in sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada laga shaqeynayay saacadihii lasoo dhaafay.

“Waxaa la sameeyay guddi isku-dhaf ah, shalay waxaa laga shaqeynayay in la kala qaado ciidamada, taasna waa lagu guuleystay, waxaana lasoo gunaanaday maanta dhaqan-gelinta xabad-joojintii la kala saxiixday iyo kala qaadistii ciidamada,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu xusay in ciidamada la kala qaaday ay dib ugu kala laabteen xerooyinkoodii, ciidamadii soo gurmadayna waxay dib ugu laabteen magaalooyinkii ay ka yimaadeen.

Odawaa ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gaalkacyo inay nabadda ka shaqeeyaan, ayna ogaadaan inay dhici karaan dhacdooyin yar-yar, laakiinse loo baahan yahay in wax walba nabada ka wanaagsan tahay.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia ayaa xusay in wafdigii uu hoggaaminayay RW Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada ay muddo 10-casho ah joogeen Gaalkacyo, ayna ku guuleysteen in xal laga gaaro colaada ka taagnayd magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya