4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2015
Guddoomiyhii Magaalada Cadan ee Yemen oo la dilay iyo kooxda ISIS oo sheegatay Mas'uuliyada


Axad, December 06, 2015 (HOL) — Guddoomiyhii Degmada Cadan ee dalka Yemen, Jen. Jacfar Maxamed Sacad ayaa maanta lagu dilay qarax is-miidaamin ahaa oo magaaladaas ka dhacay, iyadoo madaxweynaha Yemen, Cabdirabu Haaddi Mansuur oo dib ugu soo laabtay si uu u maareeyo dagaallada lagu kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Saraakiil ka tirsan dowladda Yemen iyo shacabka magaalada ayaa xaqiijiyay in Jen. Jacfar lala dilay ugu yaraan shan qof oo la socotay. Iyadoo qaraxan uu dhacay xilli uu ku socday guddoomiyuhu shaqadiisa, waxaana qaraxan ku dhaawacmay dhowr qof oo shacab ah.

Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay iyadu Qaraxa gaari la beegsatay guddoomiyihii Cadan Jen. Jacfar, xilli uu marayay xaafadda Tawahi oo ka tirsan Cadan, waxayna intaas ku dareen in gaariga Qaraxa lagu fuliyay uu ku dhex-jiray gaadiidkii guddoomiyuhu uu la socday.

Tan iyo markii ay colaadaha sokeeye ka billowdeen Yemen horraantii sannadkan waxay kooxda AQAB ee ka howlgala dalkaas oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa waxay kordhiyeen howl-gallada ay dalkaas ka wadeen.

Waxay kooxdan qaraxyo ka geysatay xarumo ku yaalla magaalada xarunta ah ee Sanca oo ay ka mid yihiin masaajiddo ay maamusho kooxda Xuuthiyiinta; iyadoo kooxdan Shiicada ah ay qabsatay inta badan dalka Yemen, iyagoo ka eryay xukuumaddii sharciga ahayd ee dalkaas ka talinaysay.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore ayay kooxda ISIS waxay qarax la beegsatay saldhigyo ay ciidamada khaliijka Carabta ee taageera dowladda Yemen ay kaga sugnaayeen Cadan, halkaasoo ay ku dileen tiro dad ah.

“Qaraxa lagu dilay guddoomiyihii Cadan waxaa la fuliyay xilli ammaanka guud ee Cadan si aad ah loo adkeeyay, waana lala yaaban yahay sida ay ugu fududaatay kooxdan,” ayuu yiri Ashraf Ali Mahmoud oo ka mid ah ururada u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Shacabka ku nool degmada Cadan ayaa sheegay in Qaraxa guddoomiyihii Cadan lagu dilay maanta oo Axad ah laga maqlay deegaanno isku jira 10-km, kaa soo ay sheegeen inuu ahaa midkii ugu awoodda badnaa ee ay maqnaa dhawaanahan.

Dhanka kale, dhaawacyadii uu sababay Qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka Jamhuuriya ee ku yaalla magaalada Cadan, kaasoo laba maalmood ka hor uu xarigga ka jaray guddoomiyaha maanta la dilay.

Ugu dambeyn, bishii Oktoobar ee sannadkaan 2015-ka ayay ahayd markii ismiidaamin lala beegsaday Hoteel uu Cadan kaga sugnaa RW dalka Yemen, Khaled Bahah, inkastoo aysan wax khasaare ah kasoo gaarin, waxaana weerarka sheegatay kooxda Islaamiga ah ee ISIL.

Ugu dambeyn, Jen. Jacfar Sacad ayaa horay uga tirsanaa ciidankii xukuumaddii Koonfurta Yemen, intii aysan dib u midoobin Waqooyiga iyo Koonfurta Yemen; iyadoo la sheegay in uu ka mid ahaa saraakiishii ka qaybgalay dagaalkii 1994-kii ka dhacay waddanka Yemen, waxaana xilka guddoomiyaha Cadan loo magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya