4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2015
Wax-garadka Degmada Xuddun oo si Kulul uga hadlay diyaarado joog hoose ku socda (SAWIRO)


Axad, December 06, 2015 (HOL) — Diyaarado la sheegay inay wadato shirkadda DNO oo macaadinta iyo batroolka baarta oo laga leeyahay dalka Norway, isla markaana ogolaansho ka haysata wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa waxa maalman ay joog aad u hooseeya ku duulayeen deegaanno badan oo hoos-yimaada degmada Xuddun.

Shacabka ku nool degmada Xuddun iyo nawaaxigeeda ayaa hadal-hayntooda ugu badan ee toddobaadadan ay ahayd diyaaradahan oo guuxooda laga maqlayo inta badan deegaannada hoos-yimaada degmada, halka dadka reer-guuraaguna ay ka cabanayaan in jawiga hoose ee diyaaradahan ku duulayaan ay baqdin gelisay reer-guuraaga iyo xoolahooda.

Sida la wada-ogsoon yahsay shirakada DNO ayaa heshiis la xidhiidhka baarista macaadinta iyo batroolka la gasahay maamulka Somaliland sanadkii 2013-kii, heshiiskaasoo shirkadda u ogolaanayay inay baadho dhul balaadhan oo hoos-yimaada dooxada Nugaaleed, laguna calaamadiyay Block 18-aad, dhulkan oo ay baaxadiisu gaadhayso 12,000-km oo laba-jibaar ah.

Dhanka kale, sannadkii 2014-kii ayaa shirkadda DNO soo gaartay degmada Xuddun oo ka tirsan gobolka Sool; waxaana xilligaasi ay shir la qaateen waxgaradka degmadda Xuddun, iyadoo la isku waafaqay in ka hor inta aanay shirkadda DNO gudo-gelin baadhista ay wax ka qabato adeegyada asaasiga ah ee bulshada oo ay ka mid yihiin; Wax-barashada, Biyaha iyo Caafimaadka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia ayaa dacwad ka gudbisay xilligaas shirkadda DNO oo ay ku eedaysay inay gasahay heshiis sharci-daro ah, waxana dowladda Somalia ku adkaysatay inay heshiisyada la xiriira baarista khayraadka dabiiciga ah ee wadanka ay geli-karto oo keliya dowladda federaalka Soomaaliya.

Isku-soo-wada-duuboo, diyaaradaha xilligan soo gaaraya degmada Xudun ayay odayaasha iyo waxgaradka degmada waxay ballan-qaadeen inaysan ku nabad-geli doonin hawlgallada sharci-darrada ah ee ay doonayaan inay deegaanka ka fuliyaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Seynab@hiiraan.com
Laascaanood, Gobolka Sool