4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2015
Barack Obama oo difaacay go’aanka uu dalkiisu ciidanka gaarka ah ugu dirayo Dalka Ciraaq


Axad, December 06, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa si adag u difaacay go’aanka dowladdiisu ay ciidamada gaarka ah ugu dirayso dalka Ciraaq, isagoo sheegay in ciidamadaas ay la dagaallami doonaan kooxda ISIS, balse aysan taasi macnaheedu ahayn in Mareykanka uu mar kale duullaan ku yahay Ciraaq.

Barack Obama ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu maalin ka hor siiyay TV-ga CBS ee xaruntiisu tahay Mareykanka, wuxuuna hadalkiisu imaanayaa maalmo un kaddib markii wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ay ku dhawaaqday inay Ciraaq u dirayaan ciidammo gaar ah oo ka caawiyaan xoogagga Peshmerga dagaalka ay kula jiraan kooxda dowladda Islaamig aah ee ISIS.

“Markii aan oranayay ma jiri doonaan ciidammo lugta ah oo aan Ciraaq u dirayno, waxaan u maleynayaa in shacabka Mareykanka oo dhan ay fahmeen in go’aanka dowladdooda uusan ahayn inay duullaan kale aan ku qaadayno Ciraaq, laakiinse ujeeddadu waa inaan cirka ka duqeyno kooxaha argagaxisada ah ee Suuriya iyo Ciraaq ku sugan,” ayuu yiri Barack Obama.

Isagoo intaas ku daray. “Laakiin, waxaan doonayno haddaan si cad u qeexo waa qorshe aan ku doonayno inaan ku burburin kooxda ISIS, waana middaas tan aan ku doonayno inaan cidammo kooban ugu dirno Ciraaq.”

Sidoo kale, xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Ashton Carter ayaa isagana horraantii toddobaadkii hore warbixin uu siinayay Golaha Adeegga ciidamada ee Congress-ka Mareykanka ku yiri. “Ciidamadan kooban waxay ka shaqeynayaan inay si xoog ah kusoo furtaan dadka afduubyada loo haysto, xog ururinta dhanka sirdoonka iyo inay soo qabtaan hoggaamiyaha kooxda ISIS.”

Inkastoo Carter uusan carrabaabin xilliga uu Mareykanku ciidamadaas gaarka ah dirayo, haddana Col. Steve Warren oo ka tirsan ciidanka millateriga Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta in 100-askari gaar ah loo diri doono Ciraaq, kuwaas oo la dagaalami doona kooxda Daacish.

Dhanka kale, tiro lagu qiyaasay 3,500 oo askari oo Mareykan ah ayaa xilligan ka howlgala lix goobood oo ku yaalla dalka Ciraaq, kuwaasoo ciidamada waddadnkaas gacan ka siinaya dagaalka ay kula jiraan dowladda Islaamiga ah.

Bishii Oktoobar ee sannadkan ayay ciidammo gaarka ah ee Mareykanka waxay weerar ku qaadeen xabsi ay leedahay ISIL, iyagoo kasoo furtay 70-qof oo lagu haystay, kuwaasoo ay ku jireen askar Ciraaqiyiin ah, iyadoo intii uu socday howlgalka la dilay askari ka tirsanaa ciidamadii Mareyknaka ee howlgalka fulinayay.

Ugu dambeyn, Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in 50 askari oo Mareykan ah loo diro dalka Suuriya, si ay u caawiyaan xoogagga kasoo horjeeda dowladda Bashar Al-Assad, kuwaasoo ay ku jiraan ciidamada ururka PYD ee Kurdish-ka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya