4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2015
SAWIRRO: Ururka IOM-MIDA oo kulan muhiim ah ku Qabtay Xarunta Sweden ee Stockholm


Axad, December 06, 2015 (HOL) — Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka Dunida Qaybtiisa horumarinta Afrika (IOM-MIDA) ayaa wuxuu shir muhiim ah ku qabtay xarunta Sweden ee Stockholm.

Shirka oo ay qabashadiisa fududaysay Drs. Jihaan ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka Kista Träff, waxaana ka qayb-galay aqoon-yahanno badan oo ku nool Sweden, kuwaasoo danaynayay inay wax ka ogaadaan waxyaabaha uu qabto ururkan iyo weliba haddii ay sammeyn karaan waxyaabaha uu Ururka qabto.

IOM-MIDA oo ka howlgala Somaliland, Puntland iyo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxay howshiisa tahay sidii uu isugu duwi lahaa aqoon-yahannada Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah, isla markaana ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta dalka & dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer dhibaato ku soo jiray.

Aqoon-yahannada ka socday IOM-MIDA ee shirkan warbixinnada kasoo jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa Frantz S. Celestin oo madaxa shaqada qaybta horumarinta dadka iyo Saciid Guuleed oo ah isku-duwaha qurbo-joogta Soomaaliyeed ee IOM-MIDA.

Labada aqoon-yahan ayaa waxay sheegeen in IOM-MIDA ay ku guuleysatay inay aqoon-yahanno Soomaaliyeed dalka ku noqdaan; isla markaana ay wax muuqda ka qabteen baahiyo jiray. Dadkaas dalka ku noqday ayaa waxay isugu jiraan kuwo ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo Waxbarashada. Tan iyo markii ay howshan billaabatay waxaa Soomaaliya ku noqday oo dalkooda iyo dadkooda u faa’iideeyay 363 aqooyahan, halka ay haatan dalka ku sugan yihiin 103 aqoon-yahan.

Ujeeddadda ay madaxdan ka socay IOM-MIDA u tageen dalka Sweden ayaa waxay ahayd inay aqoon-yahannada Soomaaliyeed ee Sweden ku nool ku baraarujiyaan inay wax u qaban karaan dalkooda iyo dadkooda, si ay arrintaas ugu dhaqaaqaanna ay u baahan yihiin in ay iska diiwaan-geliyaan Ururka IOM-MIDA, kaasoo kaddibna u sahli doona sidii ay arrintaas ugu dhaqaaqi lahaayeen.

Aqoonyahannadii Shirka ka hadlay oo u badnaa dhalinyaro ayaa waxay muujiyeen sida ay u daneynayaan arrintaan, waxayna weydiinayeen madaxda ka socotay IOM-MIDA su’aalo la xiriira sida howshan ku billaaban karto, meelaha laga howlgelayo iyo arrimo kale.

Aqoonyahanno badan oo ka tegay Waqooyiga Mareykanka iyo Yurub ayaa in muddo ah ku noqoyay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo markii ay dalka ku noqdeen ogaaday in dalka Soomaaliya lagu noqon karo, isla markaana aysan dhab ahayn wararka niyad-jabka leh ee maalin walba laga soo sheego Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com