4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2015
AFRIKA: Magaalooyinka Qaarkood oo Haweenka inta la Guursado Sannado laga Maqnaado


Axad, December 06, 2015 (HOL) — Magaalooyin ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka jira dhaqamo ah in Raggu ay ka tagaan xaasaskooda marka ay guursadaan, iyagoo shaqooyin u raadsadaan dalka Talyaaniga, kama maqnaada tobannaan sanno.

Inta badan arrintan waxay ka dhacdaa magaalada Beguedo oo ku taalla Burkina Faso, balse haweenkeeda oo keliya arritan oo kale kuma dhacdo. Waxaase jira magaalooyin kale oo ka tirsan dalalka Afrika oo arrintan oo kale ay ka dhacdo, iyadoo raggu xaasakooda ka tagaan, iyagoo aada dalalka dariska ah ama kuwa Yurub si ay uga helaan shaqooyin mushaaraad wanaagsan leh.

Haddaba, su'aasha la is-weydiinayo ayaa ah - sidee bulsho u noolaan kartaa marka Ragga iyo xaasaskoodu ay ku kala nool yihiin waddamo kumannaan mayl isku jira?

Alimata Bara mar walba way qosleysaa, mar walba way kaftantaa. Balse Maanta waxay ku qoslaysaa nasiib-xumadeeda, inay noqotay xaas aanay ninkeedu meel kula noolayn muddo toddoba sano ah, iyadoo 17-jir ah ayaa waxaa guursatay nin Talyaani ah oo ka shaqeeya Talyaaniga.

"Waxaan ku kulannay suuqa, waxaana aan billownay sheeko," ayay tiri, iyadoo ku dartay intaas. "Kaddib wuxuu waalidkey u keenay nooc lows ah. Muddo 10-casho gudahood ahna waan is-guursannay."

Xiliyadii hore, waxay qaadan jirtay bilooyin si loo qaban-qaabiyo guur ka dhaca inta badan deegaannada miyiga ah; iyadoo ninkii gabadha loo guurinayo uu ka shaqeyn jiray beerta waalidka gabadha, sidoo kalena kalsooni badan ka kasban jiray, wuxuuna u muujin jiray waalidka in gabadhooda uu dhaqan karo nin fiicanna u noqonayo.

Laakii hadda, bilooyinkii badnaa waxay isu-beddeleen toddobaadyo, mararka qaarkoodna maalmo, marka ninka guur-doonka ahi uu tago deegaannadaas ay ka jiri-jireen dhaqankii aan kor kusoo xusnay.

Tan & markii ay guursatay, Alimata waxay saygeeda isla joogeen muddo ka yar lix bilood. Waxay haysataa gabar la yiraa Omayma oo hadda 6- jir ah; cnugga labaad ee lammaanahan ay isku dhaleen oo ah wiil dhiblow ah oo saddex sano jir ah - laguna magacaabo Obaidou, isagoo aabbihii arkay hal mar keliya.

Sidoo kale, magaalada Beguedo oo 230-KM Koonfur-bari ka xigta xarunta dalka Burkina Faso ee Ougadougou, haween badan ayaa qaba xaalada Alimata oo kale. Nematou oo ku nool meel ku guriga dhaw Alimata, waxaa qaba Saada walaalkiis, kaasoo ka shaqeysa dibadda.

Nematou iyo Alimata waa isku da'a, waxayna labadoodu noqdeen kuwo isku dhaw, iyagoo wadaagaya dhibaatooyinka korinta carruurtooda, kaftanna ka sameynaya intii karaankooda ah.

Haweenka tuulada ku nool intooda badan xaaladdaas oo kale ayaa haysata, sida uu sheegay duqii hore ee magaaladaas, Beatrice Bara. Wuxuuna arrintan ku tilmaamay cawaaqib-xumo aan hore loo arag oo ka dhalatay kumannaan rag ah oo dalalkooda uga haajiraya Yurub.

Marka ay guursadaan, raggu waxay ballan-qaadaan inay marar badan soo noqon doonaan ama ay xaasaskooda masruufi doonaan marka ay si wanaagsan u degaan dalka ay u shaqa tageen. Qaarkood sidaas way sameeyaan. laakiinse taasi waxay ahayd ka hor burburkii dhaqaalaha adduunka iyo ka hor intii Yurub aysan isu-beddelin dhufeys.

Alimata markii ay guursatay Saada sanadkii 2008, waxay u maleynaysay inay isla markiiba ugu tegi doonto Talyaaniga. "Wuxuu u maleynayay inuu isoo wadi karo, balse shaqa la'aan ayuu noqday isla markiiba," ayay tiri Alimata.

Inkastoo aada uu awood u yeeshay inuu guri hal qol ah Alimata uga dhex dhiso deegaanka waalidiintiis ay ku nool yihiin, haddana marnaba kuma aanu guulaysan in dalka Talyaaniga uu lacag badan kasoo diro, wuxuu illaa iyo hadda soo diray $25 oo keliya oo ay bilooyin u dhexeeyeen.

Nasiib-wanaag marnaba Alimata kuma tiirsanayn lacagta saygeeda Saada uu u soo diro oo keliya. Waxay billowday ganacsi yar oo ah inay dhuxul iibiso. Waxay kaloo iibisa qayb ka mid ah wixii beerta uga soo go'a, sidaas ayayna isu-bixisaa.

Qaybta labaad la soco Berri.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya