4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
RW Sharma’arke: Waxaan labada maamul kula dardaarmayaa inay nabadda Xoojiyaan (SAWIRRO)


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug si loo dhamaystiro heshiiskii horay loo gaaray.

Sharma’arke, C/weli Gaas, Axmed Madoobe iyo wafdiga la socda ayaa saaka ku tagay booqasho Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug oo uu kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guulleed, halkaas oo wafdiga loogu sameeyey quraac, iyadoo labada mas’uul muujinayeen inay ka go’n tahay dhabaynta nabadda deegaanka.

RW Somalia oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa kula dardaarmay hoggaanka labada dhinac inay hormuud u noqdaan soo celinta nabadda deegaanka iyo dhameynta khilaafaadka dadka ku nool degmada Gaalkacyo ee labada maamul.

"Dadka ku nool Gaalkacyo waa dad walaalo ah oo weligoodba wada degenaa, hal meelna wax ku wada-qaybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku ahaydeen," ayuu yiri Sharma’arke oo xusay in dowladda federaalka Somalia ay mar walba taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiin dadka oo dhan.

Sharma’arke iyo wafdigii la socday oo ay ka mid ahaayeen madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa waxaa qado loogu sameeyey Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland, waxaana qadada kadib ay sheegeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug inay diyaar u yihiin ka dhabaynta heshiiska Gaalkacyo ee dhawaan ay saxiixeen.

RW Somalia ayaa ugu dambeyn sheegay in waqtigii colaaddu dhamaaday, waxa kaliya ee hadda loo baahan yahay ay tahay in dadku nabad ay helaan dibna ugu soo noqdaan guryahooda, isagoo labada maamul ku bororiyay inay mar walba xoojiyaan is-kaashigooda.

“Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo degta iyo shacabka oo nabad ku wada-noolaada. Waqtigii dagaalka wuu dhamaaday. Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta waxaan arkaysaan inaan kasoo quraacanay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, hadana ka qadaynayno Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland, waana taa midda aan halkan u nimid ee ah dadku in ay is dhex galaan, nabadduna hirgasho".

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya