4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
SOMALILAND: Wasiirka Maaliyadda oo Golaha Wakiilada uga Warbixisay Miisaaniyadda 2016-ka


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa maanta u gudbisay golaha wakiiladda odoroska miisaaniyadda sanadka 2016-ka oo ay sheegtay inay miisaaniyadii sanadkii hore ka badan tahay 13%.

Wasiiradda Maaliyada Somaliland, Samsam Cabdi Aadan ayaa xubnaha golaha wakiillada u soo gudbisay miisaaniyadda sannadka soo socda 2016-ka, waxaanay xustay inay cabsi ka qabtay in dagaaladda Yemen ka socda saameyn ku yeesho inay miinsaaniyadda wax-iska-dhimaan, balse taas bedelkeedda ganacsiyo kale iyo ilo dhaqaale kale oo cusubi furmay.

“Miisaaniyadda sannadka 2016-ka waxay ka kooban tahay Miisaaniyadda dowladda dhexe, Miisaaniyadda Hayadaha Madaxa banaan ee Dawladda , Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo Miisaaniyada Sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay maalgeliyaan wadamada Deeq-bixiyeyaashu (Somaliland Development Fund) iyo Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta dowladda hoose (JPLG). Miisaaniyadani waa miisaaniyadii 24-aad ee Qarankan Somaliland yeesho,waxay Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii 2015-ka. 13%.” ayay tidhi Samsam Cabdi Aadan oo golaha uga warbixinaysay miisaaniyadda.

Dakhliga Miisaaniyadda Somaliland ee Sannadka 2016-ka;

No

                           Hay'adda

         SL. SH

     Dollar

1

Dawladda Dhexe

1,218,000,000,000

203,000,000

2

Hay'adaha Madaxa-banaan

226,580,189,543

37,763,365

3

Dawladaha Hoose

189,609,406,597

31,601,568

4

Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah

109,861,212,000

18,310,202

5

Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta

27,630,234,000

4,605,039

Grand Total

1,771,681,042,140

295,280,174

Wasiiradu waxay sheegtay inay xoogga sanadkan saari doonta Qodobadan:

·         Qalabka iyo Saanada ciidamada dalka ee kala duwan.
·         Kordhinta Guud ahaan Miisaaniyadda bahda garsoorka.
·         Kordhinta Miisaaniyadda Goleyaasha Xeerdejinta.
·         Dhiska iyo Dayactirka wadooyinka dalka.
·         Dayactirka qaar ka mida Biriijyada dalka.
·         Dhismaha wards ka Hargeisa Hospital
·         Dhismaha MCH yada uu Madaxweynuhu dhagax dhigay.
·         Dhismaha garoonka cusub ee Shulaac Stadium Hargeisa.
·         Dhismaha Libraryga Berbera iyo Hargeysa
·         Dhismaha xafiisyada Wasaaradda Beeraha ee sheikh iyo Laascaanood.
·         Dhismeyaasha xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada.
·         Dhismaha xafiiska Garyaqaanka Guud
·         Dhismaha xafiiska Xuquuqal Insaanka
·         Dhismaha Xafiisyada Wasaaradda Ganacsiga & Maalgashiga ee gobolada
·         Dhismaha xafiisyada Wasaaradda Hawlaha Guud ee gobolada
·         Dhismaha Xafiiska Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha.
·         Dhismaha Goobaha Kalluunka
·         Dhismaha Terminalka Berbera.
·         Dhismaha jeelal ka Burco iyo Boorama.
·         Dhismaha Rugta Ganacsiga
·         Dhismaha Madaarka Burco iyo Boorama.
·         Dhismayaasha Wasaaradda Biyaha, Warfaafinta, Qandaraasyada & Maamul-wanaaga.
·         Dayactirka garoonka kubada kolayga ee Tima-cadde
·         Daryeelka iyo Dibudhiska iskuulada dalka
·         Iibsiga qalabka caafimaadka.
·         Iibinta Dawada Mishiinka Kelyaha sifeeya.
·         Iibsiga Mishiinka baadhista tayada cuntada iyo Daawada.
·         Iibsiga qalabka Iidaacada iyo TV ga.
·         Iibsiga rooga Garoomada Borama iyo Burco.
·         Iibsiga gaadiidka iyo qalabka xafiisyadda Wasaaraddaha iyo Ha’ayadaha.
·         Iibsiga cagaf ta Wasaaradda Deegaanka
·         Kaalmooyinka Agoomaha.
·         Kaalmada  Naafada SNM.
·         Kaalmada Ururka Naafada Qaranka.
·         Kaalmada Ururka Saxaafada Somaliland (SOLJA)
·         Kaalmada Guddida Xumaan reebista iyo Wanaag farista.
·         Kaalmooyinka Asxaabta Qaranka 50%
·         Qodista ceelal biyood cusub iyo dayactirkooda.
·         Mashruuca Xanaanada Xoolaha
·         Aasaaska Degmo Heritage and Rural Life
·         Aasaaska Miisaaniyadda Hayada Diiwaanka Zakada.
·         Aasaaska Miisaaniyadda Ciidanka Dabdemiska
·         Aasaaska Miisaaniyadda  Hayada wax ka qabadka Miinada (SMAC)

Miisaaniyaddan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee wasiir Samsam soo diyaariso tan iyo intii ay wasaaradda maaliyadda loo soo wareejiyey, waxaanay sheegtay in miisaaniyaddu korodhay iyadoo wax cashuur ah lagu kordhin.

Hase yeeshee, golaha wakiillada ayaa ka doodi doona, wax-ka-bedel, kaabisna ku sameyn doonno miisaaniyaddan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]   
Hargeysa, Somaliland