4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
Xukuumadda Baqdaad oo Turkiga ugu baaqday inay ciidankooda kala baxaan Waqooyiga Ciraaq


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Xukuumadda Ciraaq ayaa Weydiisatay Turkiga inay ciidamadooda kala baxdo Waqooyi dalkeeda oo ay maamusho ISIS, iyadoo mas’uuliyiinta Ciraaq ay sheegeen in Turkigu uu ogolaasho la’aan soo geliyay ciidamadooda Dalkooda.

Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in ugu yaraan 150-askari oo Turkish ah oo 20 illlaa 25 taangi wata ay xukuumadda Turkigu u dirtay deegaanka Bashiqa oo ku taalla Waqooyiga-bari ee magaalada Muusil ee Ciraaq, taasoo ah xarunta ugu weyn ee ay Ciraaq ku leedahay kooxda ISIS.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Turkiga Anatolia ayaa baahisay in ciidanka Turkiga ee la geeyay aaggaas ay yihiin kuwo loogu talo-galay inay tababbaraan ciidamada Peshmerga ee ka howlgala gobolka Kurdish-ka Ciraaq.

Bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa looga dalbay Ankara inay sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamadeeda uga saarto gudaha Ciraaq, kuwaasoo ay sheegeen inay xuduudda kasoo tallaabeen soohdinta ay wadaagaan labada waddan.

“Xukuumadda Ciraaq waxay ugu baaqaysaa Turkiga inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxdo ciidamadeeda gudaha Ciraaq,” ayaa war-saxaafadeedkan lagu yiri. waxaana intaa uu ku daray. “Warbixinada aan helayno waxay sheegayaan in tiro ka tirsan ciidamada Turkiga oo wata gaadiid dagaal ay si sharci-darro ah dalkeenna kusoo galeen, iyagoo doonaya inay tababaraan ciidammo kooxaha Ciraaq ka tirsan; iyagoo aan wax ogolaasho ahna ka haysan xukuumadda Baqdaad.”

Dhanka kale, xukuumadda Baqdaad ayaa sheegtay in soo gelintaana ciidamada Turkiga ee gudaha dalkeenna ay tahay arrin carqalad ku ah madax-bannaanida iyo xorriyadda Ciraaq.

Kooxda ISIS ayaa sannadkii hore la wareegtay deegaanno badan oo ku yaalla Waqooyiga iyo Galbeedka Ciraaq, iyadoo ciidamada Ciraaq oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa isku-dayaya inay dib u riixaan kooxdan Islaamiga ah.

Ugu dambeyn, ciidamada Peshmerga oo Turkigu sheegayo inay tababarro ku siin doonaan gudaha Ciraaq ay qayb ka yihiin dagaallada lagula jiro ISIS, laakiin uu aad u liito xiriirka ay la leeyihiin xukuumadda Ciraaq.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya