4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
DAACISH: Innaga ayaa ka dambeynay Weerarkii 14-ka ruux lagu dilay ee ka dhacay Mareykanka


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkii 14-qof lagu dilay toddobaadkii hore ka dhacay gobolka  California ee Mareykanka, iyagoo ISIS ay sheegtay Sabtida Maanta ah inay weerarkaas fuliyeen laba qof oo is-qaba oo iyaga ka tirsan, iyadoo FBI-da Mareykanka ay sheegeen in weerarkan uu ahaa mid argagaxiso.

Sheegashada weerarkan ee kooxda ISIS/Daacish oo laga baahiyay idaacad laga dhageystay internet-ka ayaa kusoo beegmaya; kaddib saddex maalmood markii nin Mareykanka ah oo lagu magacaabi jiray, Syed Rizwan Farook oo 28-jir ahaa iyo xaaskiisa, Tashfeen Malik oo 29-jir ahayd oo dalka Pakistan ka soo jeedda ay weerar ku qaadeen xaflad dabaal-dag oo ay sameysteen xisbiga shaqaalaha rayidka ee San Bernardino oo 100-km) Bariga kaga beegan magaalada Los Angeles.

Lamaanahan weerarka fuliyay ayaa waxaa saaado kaddib weerarkooda iyagana toogasho ku dilay ciidamada booliiska magaaladaas oo ay dhexmaray rasaas in muddo ah socotay.

Xukuumadda Mareykanka ayaa sheegtay in Malik iyo saygeeda laga yaabo inay si hoose u qoratay kooxda ISIS, laakiinse ma jirin wax caddeynaya in weerarkaan ay soo abaabushay kooxda Daacish ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Iyadoo la sheegay in Faarok oo qabay gabadha Pakistan u dhalatay uu laftiisu xisbiga la weeraray u shaqeynayay.

Weerarkan oo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa waxay baarayaashu xuseen inuu yahay kii ugu xumaa ee kooxaha Islaamiyiinta ah ay ka geystaan gudaha dalka Mareykanka wixii ka dambeeyay weerarkii Mareykanka ka dhacay 11-kii September, 2011-kii.

“Maalmo ka hor waxaa bartamaha San Bernadino oo ka tirsan gobolka California ee dalka Mareykanka weerar khasaare badan dhaliyay ku qaaday lamaane ISIS ka tirsan,” ayaa lagu yiri hadal ay kooxda Daacish ka baahisay Al-bayan Radio oo laga dhageysto Internet-ka.

Sidoo kale, lamaanaha weerarkaan fuliyay ayaa markii la dilay waxaa laga helay laba qori oo kuwa daran-doorriga u dhaca ah, laba bastooladood iyo 12 bambaano oo kuwa gacanta laga tuuro ah, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka gobolka California, iyadoo laamaha amniga ay ka digeen weerarro kale oo dhaca.

Agaasimaha FBI-da, James Comey oo war-fidiyeenka kula hadlayay Washington xilli hore ayaa sheegay in baaritaankooda uu xaqiijinayo in lamaanaha fuliyay weerarka ay ka tirsan yihiin ururrada argagaxisada caalamka.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo hadal toddobaadle ah maanta ka jeediyay wuxuu ku goodiyay in hay’adda FBI-du ay heli doonti cidii ku dhiirri-gelisay lamaanahan inay fuliyaan weerarkii khasaaraha badan dhaliyay.

“Waxaan nahay kuwo awood leh… waxaan nahay kuwo adkeysi leh… kuwo la ar-gagax-gelin karana ma nihin,” ayuu ku yiri Obama khudbadii uu jeediyay Sabtida maanta ah.

Ugu dambeyn, dowladaha Mareykanka iyo Pakistan ayaa waxay sheegeen inay si wadajir ah baaritaanno ugu sameynayaan qoysaska lamanaahan weerarka fuliyay oo ku kala nool Mareykanka iyo Pakistan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya