4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta markii ugu horreysay u tallaabay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaas kula klumay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo mas'uuliyiinta kale ee maamulkaas ka tirsan.

Kulanka oo qeyb ka ah dadaallada nabadeed ee socda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa ra'iisl wasaaraha dowladda Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke, madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Max'ed Islaam [Axmed Madoobe], wasiirro, xildhibaanno, iyo guddiga dhax-dhaxaadinta labada dhinac.

Labada madaxweyne iyo xubnaha kale ayaa kulan quraac ah ku wada-qaatay Hoteelka Five Star ee Koonfurta Gaalkacyo, halkaasoo la isku dhaafsaday khudbado u badnaa kaftan, dhinaca kalana la xiriiray adkeynta nabad-galyada magaalada Gaalkacyo iyo in labada maamul si niyad ah u her-galiyaan hishiiska la gaaray.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid madaxweynaha Puntland Koonfurta magaalada, isaga oo balan-qaady in isla maanta uu tagi doono dhinaca kale ee magaalada si la mid ah dhgiisa Cabdiwali Gaas.

“Waxaan ku faraxsannahay in madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu bilaabay is dhax-galka bulshada ku wada nool magaalada, annigana waxaa ii qorsheysan in isla maanta aan tago dhinaca kale ee magaalada [Waqooyiga Gaalkacyo]," ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guulleed.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in colaadii Gaalkacyo aheyd mid aan lagu talla-galin aadna uga xun yihiin, wuxuuna sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Gal-mudug ay hormuud ka noqonayaan Nabadda, isla markaana dadka la tuso wada jirka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegayin maanta la guda geli doono inta ka harsan ciidamada in la kala qaado, lana abuuro kalsooni, waxaana uu intaa ku daray in guddiyada labada dhinac ay bilaabayaan wada hadalada.

Marka aad eegto kulamadii ugu danbeeyay ee dhacay waxaa kuu muuqanaya in uu jiro biseyl nabadeed oo ka muuqda mas'uuliyiinta labada maamul kaddib dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada oo haddii ay sii socdaan hubaal aheyd in ay geysan lahaayeen saameyn dhaqaale iyo bur-bur xoog leh oo ay wajahdo Gaalkacyo oo sanadihii ugu danbeeyay si xowli ah dhisatay.

Ugu danbeyntii waxaa lagu waddaa in socod nabadeed labada madaxweyne oo wadda jira ku maraan qeybaha ay magaalada ka kooban tahay si markaas shacabkii ka barakac loogu muujiyo in wixii hadda ka danbeeya in magaalada Gaalkacyo nabad tahay dibna loogu soo laaban karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya