4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
Dowlada Somalia oo sheegtay inay 13 Al-shabaab ah ku dishay Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Saraakiil ka tirsan millateriga Somalia ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa sheegay in 13-dagaalyahan oo Al-shabaab lagu dilay iska-hor-imaad Al-shabaab ay kula galeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Shiinaha Xinhua.

Taliyaha ciidamada millateriga Somalia ee gobolka Hiiraan Maxamed Cumar ayaa sheegay in dagaalka oo laba wajiile ahaa uu ka dhacay Jimcihii shalay deegaan ku dhow magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

“Dagaalka waxaan ku dilnay 13-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, toddoba askari ayaa dhankeennana nalooga dhaawacay. Haatana deegaanka innaga ayaa gacanta ku haya,” ayuu yiri Maxamed Cumar oo la hadlayay warbaaihnta.

Sidoo kale, goob-joogayaal ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo cuslaa la isku adeegsaday madaafiic culus iyo rasaasta fudud, kaas oo ka dhashay weerar dhabbo-gal ah ay ay xoogagga Al-shabaab la beegsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Al-shabaab ayaa weerarro gaadmo ah la beegsata ciidanka dowladda Somalia, iyadoo sidoo kalena weerarradeeda ku faafisay xadka Somalia ay la wadaago Kenya, kuwaasoo sababay khasaarooyin fara badan oo soo gaaray shacabka.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab oo muddo badan isku dayaysay in dowladda Somalia ay xukunka ka tuurto, ayaa waxaa sannadihii u dambeeyay laga saaray deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ku yaalla, kaddib dagaallo Al-shabaab iyo Ciidanka DF iyo kuwa AMISOM dhexmaray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya