4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
MADAXWEYNAHA SOMALIA: Shiinuhu Wuxuu Soomaaliya u ballan-qaaday Mashaariic badan


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan gaar ah oo uu xalay kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Shiinaha, Xi Jinping magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika .

Xasan Sheekh ayaa sheegay in hoggaamiyaha Shiinaha uu ballan-qaaday inuu mashaariic badan oo dhinaha dhaqaalaha ah ka fulinayo guud ahaan Somalia, isla markaana la laba-laabayo iskaashiga labada waddan u dhexeeya.

"Somalia waxay leedahay saaxiibbo badan oo kala qayb-qaadanaya dib u dhiska dalka iyo abuurista fursado maal-gashi. Waxaan shacabka Soomaaliyeed maanta u sheegayaa inay Shiinaha oo awalba uu xiriir qoto-dheer nagala dhexeeyay aan isku af-garanay inaan is-kaashigeenna xoojino. Gobol walba oo Somalai ka mid ah iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyana ayaa ka faa'ideysan doona mashaariicda uu Shiinuhu dalkeena ka fulin doono,'' ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Shiinaha uu mashaariic badan oo wax-tar leh ka fuliyay Qaarada Afrika, isla markaana ay Somalai baahi u qabto mashaariicda noocaas ah, iyadoo weliba uu waddankeennu leeyaha kheyraad fara badan oo uu caalamka kula tartami karo.

"Waddankeena caalamka intiisa badan ayaa daneynaya oo doonaya inay wax nala qabtaan. Aan noqono ummad mid ah, isku duuban, diyaarna u ah inay dhisato Soomaaliya cusub oo nabad iyo barwaaqo ah,'' ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa shacabka ugu baaqay inay nabadda iyo xasil-loonida ka shaqeeyaan, taasina ay keeni karto inaan si wanaagsan uga faa'iideysano khay-raadka dalka ka buuxa.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Johannesburg ee waddanka Koonfuur Afrika uga qayb-galayo shirka-madaxeedka is-kaashiga Qaaradda Afrika iyo Shiinaha. Iyadoo shirkan uu shalay furmay, lana filayo in lasoo gaba-gabeeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya