4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
Shahaadada Jaamacadda Muqdisho oo la barbar dhigay kuwa Jaamacadaha dalka Mareykanka


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Qiimeyn ay sameysay hay’ada Foundation FOR Inter-national Service INC oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, ayaa waxay  ku xaqiijisay in shahaadada Jaamacadda Muqdisho ay u dhiganto kuwa laga bixiyo jaamacadaha ku yaalla dalka Mareykanka.

Hay’adaan ayaa waxay sheegtay in ardayga lagu magacaabo, C/raxmaan Yaasiin Maxamed oo ka baxay Jaamacadda Muqdisho ay shahaadadiisu u dhiganto ama shahaadooyinka laga bixiyo jaamacadaha dalka Maraykanka.

Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayaa si weyn isaga xil-saarta tayeyna barnaamijyadeeda waxbarasho si aysan ula kulmin ardaydeedu caqabado marka ay Master-ka ka jaamacadaha caalamiga ah ee Dunida.

Haddaba, Halkan kasoo Rogo Qiimeynta ay sameysay Hay'addan Mareykanka ah;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya