4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
Jaaliyadda Gobolka Minnesota oo la kulantay Qunsulka Turkey u fadhiya Mareykanka (SAWIRRO)


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa casuumaad mahad-celin ah u sameysay qunsulka dowladda Turkey ee Mareykanka, Umut Acar iyo xubno kale oo ka tirsan safaaradda iyo qunsuliyadaha xukuumadda Turkiga ay ku leeyihiin magaalooyinka Chicago iyo Minnesota.

Cashadan oo uu soo agaasimay guddoomiyaha Ururuka Somali Action Alliance Xaashi Shaafi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Culimada, Siyaasiyiinta, aqoonyahanada, saxaafadda iyo qeybaha kale ee bulshada, waxayna dhammaantood ammaan iyo madahdcelin u jeediyeen dowladda Turkey iyo shacabkeeda.

“Soomaaliya waa dal ay dowladda Turkey aaminsantahay inuu isku filanyahay, sababta aan u caawineyno maahan inaan faa’iido ka helno, laakiin waa inaan yeelanno iskaashi iyo xiriir walaatinimo” ayuu yiri Umut Acar oo intaas sii raaciyay.

“Dalka Soomaaliya mar dambe ma noqon doono wadan fashilmay, wuxuu noqon doonaa dal ka soo kabta dhibaatada iyo abaaraha”

Gunay Evinch oo ka tursan safaaraada Turkey ee magaalada Washington ayaa xusay inay taageerada Turkey ee Soomaaliya ay tahay mid ku saleysan gar-gaar bini’aadnimo.

“Siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkey waxaa ugu horeeya caawinta dadka dhibaateysan ee caalamka, Soomaaliya oo kaliya ma caawinno, laakiin waxaan u gurmanaa meel kasta oo dhibaato laga soo sheego” ayuu yiri Evinch.

Evich ayaa intaas ku daray in dhinaca jawaabtii mahadcelinta aheyd ee ay ka heleen dadka Soomaaliyeed ay aheyd mid cajab galisay. “Dalal badan ayaan caawinay, laakiin weli ma aynaan arag jawaab la mid ah mahadcelinta Soomaalida, waxaa Safaaradeena yimid dad ka badan 500 oo qofood maalmo yar” ayuu sii raaciyay.

Shaafi Xaash oo munaasabadda soo agaasimaay ayaa sheegay inay abaal aan la gudi karin shacabka Soomaaliyeed u hayaan dowladda Turkey.

Jeylaani Xuseen oo ah madaxa CAIR ee gobolka Minnesota, ayaa isna xusay in socdaalkii hoggaamiyaha Turkey Recep Tayyip Erdogan uu ku tagay dalka Soomaaliya uu ahaa mid badbaado ah, kaas oo xitaa dhiirrogaliyay Soomaaliya qurbaha kuwaas oo markii hore naf-tooda la cabsan jiray, laakiin kaddib ku dhiiraday inay gudaha dalkooda shaqo aadamnimo u aadaan.

Xubnihii kale ee xafladdaas ka  hadlayna waxaa ka mid ahaa Sheekh C/salaam, Maxamuud Beebe-beene, Fartuun Weli iyo Sheekh Sacad , waxayna dhammaantood sheegeen in dadka Turkey ay yihiin walaalo u damqaday, waxayna sheegeen in xiriirka labada dal uu weligiis sii jiri doono.

Dhinaca kale, Jaaliyadda ayaa baaq nabadeed u dirtay maamul goboleedyada Galmudug & Puntland, waxayna ka codsadeen inay soo af-jaraan colaadda magaaladda Gaalkacyo.

“Waa in si deg-deg ah xal looga gaaro dhibaatada Gaalkacyo” ayuu yiri Siyaad Cali oo ka tirsan xaafiiska Senator Amy Klobuchar, ahna xubin ka tirsan guddoonka waxbarashada ee magaaladda Minneapolis. 

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota