4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
Heshiiskii Maamullada Galmudug iyo Puntland ay ku gaareen Gaalkacyo oo Maanta la Dhameystirayo


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa in la dhameystiro heshiiskii ay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/weli  Gaas ay Arbacadii aynu ka soo gudubnay ku kala saxiixeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasoo lagu soo af-jaryaay colaadda ka taagan magaaladaas.

Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug oo shalay kulankii saddexaad uu ku dhexmaray garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa ballan-qaaday inay dhaqan-gelin doonaan heshiiska, ayna ka dhabeyn doonaan in colaadda ay joojiyaan.

RW Somalia, Madaxweynaha Jubbaland, odayaal, waxgarad iyo culummo ayaa ka ahaa goob-joogayaal, iyadoo la isla gartay in lasii wado dadaalada, isla markaana laga shaqeeyo nabadda, waxaana la sheegay in Guuleed iyo Gaas ay kala hadleen taliyeyaashooda ciidamada joojinta xabbada dagaalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya dowladda federaalka Somalia ay kula xisaabtameyso hoggaamiyyaasha Puntland iyo Galmudug mas’uuliyadda heshiiskii ay saxiixeen.

Sidoo kale, Odawaa ayaa xusay in mas’uuliyiinta dowladda Somalia aanay marnaba ka tagi doonaan magaalada Gaalkacyo iyadoo aan xal laga gaarin colaadda ka jirta magaaldaas oo uu sheegay inay culeys badan ku keentay shacabkii ku noolaa.

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug oo ay wehliyeen RW Somalia, madaxweynaha Jubbaland iyo guddiyada nabadeynta labada dhinac ay socod ku maraan waddooyinka Gaalkacyo si ay shacabka ku nool Gaalkacyo u tusaan inuu dagaalkii joogsaday.

Ugu dambeyn, taallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay mid lagu doonayo in colaadda toddobaadyada ka taagnayd magaalaaas loosoo afjaro, iyadoo RW-ha Somalia uu sheegay inay ka go’an tahay nabadeynta Gaalkacyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya