4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2015
Madaxweyneyaasha Somalia iyo China oo kulan Taariikhi ah ku yeeshay dalka Koonfur Afrika


Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku tagay dalka Koonfur Afrika iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Johannesburg.

Kulanka taariikhiga ah ayaa labada hoggaamiye waxay kaga wadahadleen xoojinta xiriirka labada waddan iyo in si buuxda loo soo celiyo mashaariicdii horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Shiinaha uu ka wadey Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

“Somalia si xawli ay yay uga soo kabaneysaa dhibaatooyinkii dagaalka sokeeye. Waxaan haatan u gudubnay marxalad cusub oo ah dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maal-gashiga. Waxaan doonayaa in Shiinaha iyo Somalia ay dib u soo ceshtaan iskaashigooda taariikhiga ah, maal-gashiga aan Soalia u doonaynana ay dadka Shiinuhu qayb ka noqdaan. Waxaan kuu xaqiijinayaa in dowladda FS ay si buuxda u soo dhoweyneyso maal-gashiga Shiinaha, inagoo diyaar u ah inaan dhinacyo badan iska kaashanno’’, ayuu Xasan Sheekh yiri.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa isna sheegay inuu soo dhaweynayo horumarka muuqda ee Soomaaliya ee dhinaca nabadgelyada iyo dowlad dhisidda, waxaana uu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, lana joogo waqtigii la sii xoojin lahaa.

Hoggaamiyaha Shiinaha wuxuu intaa ku darey in khubarro ay u soo diri doonaan Somalia si ay daraasad ugu sameeyaan waxyaabaha ay labada dalka iska kaashan karaan. Waxaana Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin ka socotey labada dal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya